Gobolka Mudug wuxuu (HOY) u noqday dilaaga an la dabagalin (Qormaddii 1aad)

Gobolka Mudug waxaa  maamula labo maamul Puntland iyo Galmudug   faalladan  waxaan ku  eegi  doonta  qeybta Puntland ee waqooyi Gobolka Mudug, xaruntiisu waa  Gaalkacayo  waxaana  kusoo noqnoqday dilalka  iyo  Amaan  xumo), taasina waxay dhalisay in hal-doorkii Gobolka maalinba mid  si bareera loo toogto   dabadeedna  an dabagal lagu samayn iyo sooqabasho dilaagii): waxaana  dhagaha shacabka Mudug  ku badatay waanu cambaarayn  waan soo qaban doona iyo waanu  ku hawlanahay soo qabashada dilaagii hal doorka dilay..

  

 

 Mudug   waxay  kutaal meel istiraatiiji ah waxay xudduud la wadaagta   Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya   dhanka  kale  waxay ka mid tahay Gobollada dhexe ee Soomaaliya  waa Magaallo burburkii  aad   udhisantay   siiba dhanka waqooyiga  ee  Puntland  waana  magaalo leh fursado waweyn  oo ah dhanka  Ganacsiga iyo is dhex galka bulshada    waa haddii loo sameeyo istiraatiijiyada  ay mudan tahay..

Gaalkacaayo  waxay ka mid tahay  magaalooyinka ugu halista badan Soomaaliya  waxaa  marmar kadhaca   daggaalo     dhex  mara  Bulshada wada daga Gobolka Mudug,Miyi iyo magaalaba..

Mudug  waxaa  wada  dagaan bulsho Soomaaliyeed  oo ku kala duwaan qabaa,iil ahaan   waxay kamid tahay  meelihii  ayka dhaceen daggaaladdii sokeeye- ee Soomaaliya ka  qarxay 1991,waa  magaallo xuddud kala qeybiyo ayna u sahlan tahay dhagar qabeyaashu  inay    ku dhex dhuuntan  haddii aan dhug iyo feejignaan looyeela´´ labada maamula  aysan iskaashi run ah ka yeelan amaanka gaalkacayo  waa waqooyiga iyo Koonfurtee..

 

1998, Markii dhidibada lootaagay maamul Gobolleedka Puntland  hadana loogu yeero Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Gobolka Mudug qaybtiisa  Puntland  waxay  qayb weyn ka ahayd  xoojintii iyo asaaskii  Puntland}: dadka qarkii waxay dhahaan mudug waa Hooyadii Puntland laakiin waxaad mooda manta inay  Gaalkacayo tahay  hooyga aman xumada Puntland iyo Hooyada  ddilal hal-doorka ummadda..

 

Bulshada Mudug  waxaa lagu sheegaa  inay yihiin kuwo dulqaad leh samir leh inta badana xeeriya  tanta guud  waxaase  jira mamulayaasha gobolka  inay yihiin kuwo eex  iyo musuqmaasuq   hareyey  waana mida keentay  habacsananta iyo Aman xumada  jogtada ka noqotay Gaalkacayo dilaa aan la dabagalin  inuu hoy ka dhigto Mudug..

 

Gaalkacayo  waxay leedahay  maamul 18, sanno jirsaday waxay leedahay Ciidamo,  u kala qeybsan Milatari Bileys) iyo nabad sugid  kuna mushaar qaata” ciidanka Gobolka Mudug};;  maxay  qabtaan?.awoodse  shacabku ma- u leeyahay inuu laxisabtamo ciidamada iyo  hoggaamiyayaasha Gobolka?`

Mudug  waxay  leedahay  wax  garad  kala duwan  sida   siyaasiyiin, Ganacsato Cuqaal  aqoonyahan iwm   hadana waxaad  mooda Gaalkacayo  qeybteeda  Puntland inay tahay  meel aan mas`uuliyiin jogin qof kasana iska dhageysto   dhacdooyinka dilalka iyo  tacsida  asbuuc kasta   jogtada ka noqday  waa maxay sababta  waxgaradka Gaalkacaayo   ay uga amusan yihiin gumaadka hal-doorka?:

 

Ugu dambayntii   haddii aysan bulshadu ayahooda  dhaqan dhaqaale Aman iyo  isku xirba  ka fikirin  waxay ku dambayn doonaan   in midba mar six un loo dilo. Gobolka  Mudug wuxuu u bahana yahay    Aayo katalin dhab ah.

 226-8a5

Lasoco  qeybta labaad  falaqaynta
Gobolka Mudug  wuxuu  (HOY) u noqday dilaaga  an ladabagalin

W/Q/Cabdinuur Faarax Maxamuud

Falanqeeye arrimaha bulshada

Email- guuleed72@hotmail.com

Daabacaadii: Puntlandes.com

About The Author