Dhagayso-Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland Garoowe kaga qayb galay Munaasabad lagu soo xirayey Tartanka Quraanka Kariimka ah

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 28-Jun-2016 kaga qayb galay Masaajidka Al-Huda ee magaalada Garoowe Munaasab si weyn loosoo agaasimey oo lagu  maamusayey xiritaanka Tartanta Qur’aanka Kariimka ah, tartankaas oo u dhexeeyey degmooyinka Puntland.

Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka socda labada gole ee dawladda, guddiga garsoorka Tartanka, ardaydii ku tartamaysey qaybaha kala duwan ee Jusaska Qur’aanka, maal-geliyayaashii tartanka, Isimo iyo Jamaacadii Masjidka Al-huda.

Tartanka ayaa ahaa saddex qaybood oo isugu jira Soddonka Jus, Labaatan Jus iyo  Toban Jus iyadoo dhammaan ardaydaydii ka qayb gashay tartanka la-guddoon siiyey abaal marino kala duwan oo lagu dhiirri gelinayo kalaamka Eebbe

Ardaygii ku guuleystey tartanka Soddonka Jus ee Qur’aanka Kariimka ah oo lagu magcaabo Ibraahim Maxamed Maxamuud kuna tartamayey magaca madarasada Daarul-qur’aan ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa Abaal-marin loo siiyey Gaadhi nooca raaxada ah, waxaana ardaygaasi Furaha Gaadhiga guddoon siiyey Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Wasaaradda Caddaalada dawladda Puntland oo doorweyn ku lahayd hirgelidda tartankaan ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dedaal keeda ku aaddan kor u qaadista qawlka Eebbe, sidoo kale wasaaraddu waxay sheegtay in xabsiyada Puntland laga bilaabi doono dhowaan tartanka Qur’aanka Kariimka ah.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ah bud-dhigaha tartanka Qur’aanka Kariimka ah isla markaana sannad walba tartanka quraanka kaga qayb qaata dhaqaale aad u tiro badan  ayaa  ku macneeyey kasoo qayb-galkiisa Munaasabadda xiritaanka tartanka Qur’aanka Kariimka ka ah in ay tahay qayb ka mid ah waajibaadka dawladdu ay u hayso bulshadeeda.

“sharaf bay nootahay in aanu idin kala soo qayb galno munaasabaddan, waana waajib dawli ah, waajibka koowaad ee dawladdu waa in ay dadka ilaaliso  diintiisana ku ilaaliso” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in badka inta  ay yar-yar yihiin  lagu ababiyo diinta islaamka si’ ay uga badbaadaan  kooxaha sharwada yaasha ah ee diinta islaamka sida khaldan dadka u fahamsiiya, isagoona Madaxweynuhu tusaale u soo qaatay caruur yaryar oo aad u tiro badan oo lagu soo qabtay dagaalkii lagu soo afjarayey duullaankii ay sharwadayaasha al-shabaab kusoo qaadeen Puntland,

Kuwaas oo si khaldan loo fahamsiiyey diinta islaamka, balse hadda dhaqan-celin loogu samaynayo xabsiyada Puntland isla markaana si wanaagsan loo barayo diinta Islaamka ee ku dhisan nabad-gelyada iyo naxariista.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sidoo kale kula dar-daarmay ardaydii ka qayb qaadatay tartanka Qur’aanka Kariimka ah in ay sii wadaan dedaalkooda ay kor ugu qaadayaan aqoontooda, sidoo kale  Madaxweynuhu waxa uu ku baraarujiyey barayaasha dugsiyada in ay manhajkooda ku daraan  maaddooyin ay ardayda ku barayaan qiimaha  ay leedahay waddaniyadda iyo nabad-gelyadu.

Dhagayso madaxweyne Gaas


IMG_7265IMG_7268IMG_7272IMG_7274IMG_7275IMG_7280IMG_7283IMG_7284IMG_7285IMG_7286IMG_7293IMG_7300IMG_7301IMG_7311IMG_7325IMG_7326IMG_7332IMG_7337IMG_7339IMG_7341IMG_7349IMG_7352IMG_7353IMG_7358IMG_7370IMG_7374IMG_7386IMG_7403IMG_7446IMG_7458IMG_7462IMG_7465IMG_7476IMG_7484IMG_7492IMG_7496IMG_7502IMG_7511IMG_7519IMG_7526IMG_7530IMG_7533IMG_7535IMG_7539IMG_7541IMG_7547IMG_7552IMG_7553IMG_7558IMG_7569IMG_7572IMG_7576IMG_7579IMG_7585IMG_7586IMG_7592

About The Author