BREAKING NEWS: Madaxweyne Gaas oo Berri kusoo fool leh Gaalkacyo & isbedel balaaran oo uu ka samaynayo Gobolka!!

28 June 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maalinka Berri ah oo Arbaco ah bishuna ay tahay 29ka June kusoo fool leh magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

226-c7

 

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay XOG lagu kalsoon yahay ku ogaatay inuu madaxweyne Gaas u tagayo Gaalkacyo inuu ka sameeyo isbedel balaaran, oo la xiriira sidii Amniga iyo waliba dar-dargelinta maamulka kor loogu qaadi lahaa.

Gobolka Mudug gaar ahaan xaruntiisa Gaalkacyo ayaa waxaa haystay intii ay Puntland jirtay dhibaatooyin la xiriira dhanka Aminga iyadoo lagu Ugaarsado oo lagu dilo magaalada Gaalkacyo haldoorka Gobolka Mudug.

Warbaahinta Puntlandes ayaa XOGTA ku ogaatay inuu madaxweyne Gaas Muddo ka shaqayn doono magaalada Gaalkacyo ayna u qorshaysan tahay inuu wax wayn ka badalo Amniga Goolka Mudug iyo gaar ahaan kan magaalada Gaalkacyo.

Puntlandes.com

 

About The Author