Daawo Video: Garaad Jaamac Garaad Cali oo sheegay in dagaalka Dharkayn ay ku dhinteen dad gaaraya dhawr iyo konton

????????????????????????????????????

29 June 2016 (Puntlandes) Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa waxa uu sheegay in dagaalka Dharkayn-geeyo ee Beelaha walaalaha ah ee Qayaad iyo Hahararsame ay ku dhinteen dad gaaraya dhawr iyo konton qof.

????????????????????????????????????

Garaadka ayaa ku eedeeyey dagaalka Dharkayn-geeyo inay hurinayso Somaliland, ayna gacan wayn ku leedahay dagaalka beelaha walaalaha ah u dhexeeya.

Dhanka kale waxaa isna ku eedeeyey Somaliland Prof Cali Khaliif Galayr oo ah madaxweynah maamulka, isagoo dhankiisa sheegay inaysan jirin wax ay ka qaban karaan, wuxuuna sheegay inay Somaliland hurinayso Colaada halkaas ka oogan.

Waxaa xusid mudan inuu Prof Galayr kasoo jeedo mid ka mid ah Beelaha walaalaha ah ee dagaalku u dhaxeeyo, uuna yahay ogay uu uga banaan yahay Door wayn oo ah inuu ka qayb qaato daminta Colaadaas.
Puntlandes.com

About The Author