Sawirro: Taliyaha booliska oo la kulmay wafdi ka socday Midowga Yurub

29 June 2016 (Puntlandes) Taliyaha Ciidanka Booliska DFS Sareeye Gaas Maxamed Sheakh Xasan Xaamud iyo mas’uuliyiin ka socday Midowga Yurub ayaa maanta ku kulmay xarunta akadeemiyadda booliska ee Jeneraal Kaahiye.

Kulankaas ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya booliska Soomaaliyeed iyo Midowga Yurub iyo sidii Midowga Yurub uu gacan lixaad lihi uga geysan lahaa dib u dhiska ciidanka booliska, iyadoo laga wada hadlay xoojinta iyo wada shaqeynta booliska Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Mas’uuliyiinta ayaa markii ay gaareen xarunta Jeneraal Kaahiye kormeer ku sameeyey howlaha socday oo ay ka mid ahaayeen tababbaro u socda ciidamo ka mid noqonaya Booliska Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed sareeye Gaas Maxamed Sheakh Xasan Xaamud oo ay wehliyaan saraakiisha ciidanka Booliska ayaa mas’uuliyiinta Midowga Yurub uga warbixiyey howlaha muhiimka oo ay hayaan booliska Soomaaliya.

“Waxaan ka wada hadalnay mas’uuliyiinta aan la kulanay howlaha kala duwan oo ay hayaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxey u socdeen iney hubiyaan sida loo fuliyey mashaariicda kala duwan oo ay nasiiyaan”ayuu yiri Taliyaha booliska.

Sareeye Gaas Maxamed Sheakh Xasan Xaamud taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in mas’uuliyiinta Midowga Yurub oo ay la kulmeen ay u muujiyen diyaar garowga ay haatan wadaan Booliska Soomaaliyeed.

“Waxaan sidoo kale u sheegnay in diyaar garow an ku dooneyno inan kula wareegno ammaanka aan wadno, Maadaama AMISOM mar waliba aysan nala joogeynin”ayuu hadalkiisa ku daray Taliyaha.

235678101112131516

SAMSUNG DIGITAL CAMERA

 

Puntlandes.com

About The Author