Dowladda Soomaaliya”Si Qaldan Ayaa Loo Fasirtay Siyaasadda Qaranka Ee Haweenka”

29 June 2016 (Puntlandes) DFS ayaa sheegtay in si qalad ah loo turjumay go’aankii dhowaan Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay meel mariyeen, Kaas oo qeeyaya siyaasadda Qaranka ee Jandarka,

226-8b3

Wasiirka Warfaafinta DFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay bayaan ay Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ay ka soo saartay siyaasada Jandarka ee Wasaarada Haweenka soo diyaarisay.

Wasiir Maareeye, ayaa sheegay in si qalad ah loo Fasirtay qodobada ku jira siyaasadda Qaranka ee Jandarka, isagoo tilmaamay in Golaha Wasiirada qodoban oo kale marka ay meel marinayaan in marka horaba ay ka fiirsadaan.

Shalay ayay aheyd markii Hey’ada Culimada Soomaaliya ay ka soo horjeesatay sharci dhowaan ay soo saartay Wasaarada Haweenka xukuumada Soomaaliya, kaasi oo ku saleysnaa sharciga Haweenka, iyadoo dhowaan ay meel mariyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Waxaana Hey’ada Culimada Soomaaliya ay sheegtay in sharcigaas qodobada qaar ee ku jira ay ka soo horjeedaan Shareecada Islaamka.

Puntlandes.com

About The Author