Dhagayso-Sawirro: Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta sare oo Shaacisay Natiijada Imtixaankii Dugsiyada sare ee Puntland

5 July 2016 (Puntlandes) Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 05 July 2016 si rasmi ah u shaacisay Natiijada Imtixaankii Dugsiyada Sare ee Puntland ee Sanad dugsiyeedka 2015-2016, kaas oo ka qaybgaleen Seddex kun iyo Seddex boqol oo arday (3,300).

Munaasibad Ballaaran oo lagu soo bandhigayey Natiijada Imtixaankii Dugsiyada sare ee Puntland ayaa maanta waxaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda ee magaalada Garoowe waxaa ka qaybalay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Proff. Abshir Aw-yuusuf Ciise, Wasiir ku xigeenka   Dr. Maxamed Cali Faarax, Agaasimaha Guud, Agaasimaha Waaxda Imtixaanaadka, Macallimiinta Imtixaanka saxayey, iyo maamuleyaasha Dugsiyada sare ee Puntland.

Imtixaanka oo marxalado kala duwan soo maray islamarkaasina uu ku baxayo dhaqaale fara badan oo 500000 doolar gaaraya ayay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay saxday 15-kii illaa 25-kii bishii hore ee Juun, ugu dambayntiina maanta ayaa lasoo bandhigay Natiijada rasmiga ah.

Hoos ka dhagayso  hadalka mas’uuliyiinta Wasaaradda

227-4a

IMG_0134 IMG_0141 IMG_0146 IMG_0150 IMG_0159 IMG_0163 IMG_0164 IMG_0166 IMG_0173 IMG_0174 IMG_0190 IMG_0198 IMG_0229 IMG_0233 IMG_0235 IMG_0248 IMG_0260 IMG_0277 IMG_0290

Puntlandes.com

About The Author