Dhagayso: Waxa keena in Gaalkacyo ay ka dhacaan dilalka soo noqnoqda?

7 July 2016 (Puntlandes) Shiikh Cabdiraxmaan Salaad Diirshe (Qoordheer) oo kamid ah Culimada Gobolka Mudug ayaa sheegay inay shacabka Gaalkacyood ay wax uga qaban waayeen dadka wax dila maadaama ay ka baqayaan inuu yahay Qof aano Qabiil wax ku dilaya, haddii ay dilaana hadhoow iyaga loo qabsan doono.

227-4c4

Siikha ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la suuliyo aanada qabiilka oo waxgaradka iyo dawladaba laga doonayo in lasaxiixo heshiis meesha ka saaraya in qof lagu dilay tuugo ama ruux uu dilay aan laga qaadin magtiisa dadka dilay.

Waxa kale oo uu Shiikh Cabdiraxmaan shacabka Gaalkacyo ugu baaqay inay lagama maarmaan tahay in lala shaqeeyo dawlada iyo Ciidamada hawlgalada ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo, waxaana sidoo kale uu sheegay in kuwa wax ku dila Gaalkacyo ama amni la,aanta ka shaqaynaya ay degen yihiin guryaha shacabka ay shacbka ee magaalada lagana doonayo inaysan dajin guryahooda cid abuuraysa Amni xumo.

Dhagayso Shiikh Qoordheere


Puntlandes.com

About The Author