Sawirro: Madaxweynaha dawladda Puntland oo magaalada Gaalkacyo kaga qayb galay ciyaar u dhexaysey labo kooxood

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa galabta 07-July-2016  xarunta Jimicsiga iyo ciyaaraha ee “Place to Be” ee magaalada Gaalkacyo kaga qayg galay ciyaar lagu maamuusayey farxadda ciidda oo u dhexaysey labo kooxood oo kamid ah Sports-ka magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale  waxaa iyana kasoo qayb galay ciyaarta guddoomiyaha gobolka Mudug, duqqa kumeel-gaarka ah ee Degmada Gaalkacyo, agaasimayaal, maamulka Garoonka iyo dadkii usoo daawashada tegey ciyaartaasi u dhexaysey labadaasi kooxood.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa markii uu ciyaarta furay kadib waxa uu dhex galay qaybo kamid ah dhallinyaradii daawaneysey ciyaarta waxaana uu Madaxweynuhu qof-qof ugala sheekaysay xaaladohooda guud ahaaneed oo ay ugu horrayso hammigooda dhinaca waxbarashada iyo caqabadaha jira.

Dhalliyaradii ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey sida uu  ugala soo qayb galay ciyaarohooda iyo  sida uu usoo dhexgalay isla markaana uu  mid-mid ula sheekaystay, waxaanay intaasi sii raaciyeen in aanay fileyn weligood in madaxweyne ugu imaan karo iyagoo ku sugan goobohooda ciyaaraha.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa badanaa kulamada noocan oo kale ah si kedis ah ula qaata qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland iyagoo ku sugan goobohooda ganacsiga, waxbarashada iyo ciyaaraha, taas oo uu uga gol-leeyahay in uu muujiyo amniga ka jira Puntland iyo kalsoonida buuxda ee uu ku qabo shacabkiisa.

 

IMG_8960IMG_8963IMG_8964IMG_8967IMG_8970IMG_8973IMG_8977IMG_8979IMG_8981IMG_8985IMG_9001IMG_9007IMG_9011IMG_9013IMG_9014IMG_9015IMG_9019IMG_9026IMG_9030IMG_9037IMG_9038IMG_9040IMG_9045IMG_9047IMG_9052IMG_9055

 

About The Author