Daawo Video: Xasan Sheekh “dawladaydu waa dawladii u horaysay oo iyadoo isla socota madaxweyne, RW & Barlamaan waqtigeedii dhamaysata”

7 July 2016 (Puntlandes) Madaxweynha DFS Xasan Sheekh ayaa isagoo waraysi siiyey Universal TV waxa uu sheegay wax lala yaabo oo inay dawladiisu horumarka ay samaysay ay koow ka tahay inay iyagoo aan isqabsan ay waqtigooda si wadajir ah u dhamaystaan madaxweyne, dawlad iyo Baarlamaan.

227-4d1

Xasan Sheekh ayaa yiri”26kii sano ee la soo dhaafay waa markii u horaysay oo dawladii iyadoo isla socota ay waqtigeedii dhamaysatay madaxweyne, RW & Barlamaan oo aan la isqabsan..”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa la waydiiyey su’aal ah “Dabcan waxaad ka hadashay oo aad tiri anagoo isla socona ayaan halkan soo gaarnay, sida la ogsoon yahayna laba Raysul wasaare ayaa isqabsi dhiniciina shaqada uga tagay… waxaana dadkiu u arkaan in aad qayb wayn ku lahayd, marka Isqabsiga kaas ka wayn ee aad ka badbaadeen muxuu yahay”?

Xasan Sheekh ayaa ku jawaabay ” Waxaa waaye horta Raysul wasaarayaashu dad lasoo doortay maaha, waa qof la magacaabay, loona igmaday xil mucayim ah, aniga Xafiiskayga shaqada ka bilaabata waa magacaabista Raysul wasaaraha.. haddii waajibaadkii ay kasoo bixi waayeen, ama aan u aragno in sidii larabay si ka gaabis ah .. RW waxaa lagu bedelay shaqadoo Raysul wasaarenimo ee loo diray WAY QABAN WAAYEEN…Niman sakaariil dawladeed oo xilal loo dhiibtay haddii ay qaban waayaana la cayrinayo ayey ahaayeen..”

Hadalka madaxweyne Xasan ayaa ah mid lala yaabo oo ah mid aan muujinaya Fashilaadiisa muddadii uu xilka hayey.

Puntlandes.com

About The Author