Ma gafayaasha ka tirsan Golaha Wasiiradda DFS

9 July 2016 (Puntlandes) Dhalinyarada Soomaaliyeed oo dalkooda wax u bartay ayaa waayahaan danbe ku dhamaaday Badaha Caalamka, dhibaatooyinka u badan waxaa dhalinyarada gaarsiiyey Kooxo isku xiran, Ma Gafayaal, oo kala jooga wadamada Liibyada, Suudaan, Ethiopia, Kenya, Soomaaliya, Masar iyo Talyaaniga.

227-5a5

Wasiiru dowlaha Wasaarada Arimaha Dibada Soomaliya Khaalid Cali Cumar

Waxaa ku soo biiray Ma Gafayaashaas laba xubnood oo ka tirasan Wasiirada DFS oo kala ah Wasiiru dowlaha Wasaarada Arimaha Dibada Soomaliya Khaalid Cali Cumar iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Dibada  Axmed Cali Kadiye.

227-5a6

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Dibada  Axmed Cali Kadiye

Labadaan Wasiir ayaa sanadkaan ka iibiyey dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriibayey fiisayaal gaarayaa 1500 oo ay bixisay Safaarada Masar ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Safaarada oo arinkaan wax laga weydiiey ayaa ku macnaysay in Fiisayaashaas loo bixiyey si loo hagaajiyo xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo dalabka Fiisayaashana ay lahaayeen labadaas Wasiir.

Dhalinyarada u socdaalaysay dalka Masar ayaa mid walba laga qaadaa lacag gaaraysa 3000 dollar si ay u helaan Fiisaha dal ku galka dalka Masar, halkaas oo kooxo ku xiran Wasiiradaan u sii talaabinyaan dhinaca Bada si ay ugu Tahriibaan wadamada Yurub.

Waxaa inta la ogyahay ku dhintay, dhaqalaha ay Wasiirada Ma Gafayaasha ah ay ka heleen Fiisayaasha ay gadaan, dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaaraysa 1200 sida ay sheegtay xog laga soo aruurshay Journaalada ka soo baxa dalka Masar oo cadeeyey in sanadkaan dhaliyarada ku dhimatay Bada u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga ee loo yaqaan Bada Mediterranean ay gaarayeen 1200 oo dhalinyaro Soomaali ah.

Wasiiradaan ayeysan jirin cid kula xisaabtantay ilaa iyo iminka jariimada ay u gaysteen dhalinta Soomaaliyeed, waxaana maanta labada Wasiir haystaa dhaqaalo aad u faro badan oo ay doonayaan in siyaasada mar labaad ku soo galaan, si ay sii wadaan Hagar daamaynta ummadda Soomaaliyeed.

Puntlandes.com

About The Author