Akhriso: Hay’adda Culimada Somalia oo ku baaqday banaanbax

10 july 2016 (Puntlandes) Bayaan ka soo baxay Hay’adda Culimadda Soomaaliya ayaa lugu cambeereyay, iyagoo si adag u sheegen inay ka xunyihiin qaraxii ka dhacay Talaadadii la soo dhaafay magaalada barakeysan ee Madiina Al-Munawara, kaasoo ay ku tilmaameen in uu yahay fal Khawaarij-nimo.

227-5c1

Hay’adda culimada ayaa si la mid ah cambaareyay weerarro ka dhacay waddamada islamka ee ay ka midyihiin Yaman, Ciraaq. Turkiga, iyo Soomaaliya, kuwaas oo dhammaantood ay sheegeen in ay yihiin wax aan Diinta Islaamka ku banaaneen.

Dhanka kale Culimada Soomaaliyeed ayaa maalinta Isniinta ah ee berri ku baaqay in la isugu soo baxo banaanbax looga soo horjeedo falalkaasi, iyagoo ku baaqay in guud ahaan caalamka si isku mid ah looga soo horjeesto falalka ku talaxtagista diinta islaamka ee ka dhacaya meel kala duwan oo caalamka kamid ah.

227-5c

About The Author