Sawirro:Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kulan la qaatay Haweenka Gobolka Mudug

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 10-July-2016 Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo kulan looga hadlayo xaaladaha amniga iyo horumarka magaalada Gaalkacyo kula qaatay ururka  Haweenka gobolka Mudug.

227-5c4

Kulanka ayaa waxa iyana qayb ka ahayd marwada koowaad ee Puntland Dr’s Hodon Saciid Ciise, Marwo Caasha Geelle Diiriye, xubno ka mid ah haweenka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda haweenka iyo xubno meteleyey guud ahaan haween weynaha gobolka mudug.

Haweenka ayaa Madaxweynaha ku ammaanay horumarka ballaaran ee ay dawladdiisu gaarsiisey magaalada Gaalkacyo iyo sida ay weli ugu heellan tahay dar-dargelinta horumarka magaalada, sugidda nabad-gelyada iyo soo celinta bilicda magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale haweenku waxa ay ka codsadeen Madaxweynaha in laga qayb geliyo haweenka golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo ee la soo dhisi diino maalmaha soo socda si’ay qayb ugu yeeshaan talada dalka, waxaanay ballan qaadeen in ay la shaqayn doonaan maamulka cusub ee Madaxweynuhu usoo magcaabay degmada iyo gobolkaba iyo sidoo kale golaha cusub ee lasoo dooran doono.

227-5c5

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in haweenka gobolka Mudug ay yihiin dadka ugu firfircoon ee ka shaqeeya horumarka magaalada sidoo kalena la shaqeeya laamaha amniga si loo sugo nabad-gelyada gobolka.

Madaxweynuhu waxaa uu kaloo tilmaamay in ay xaq u leeyihiin haweenka gobolka Mudug in ay qayb ka noqdaan xubinnimada golaha deegaanka degmada Gaalkacyo iyo xilalka sare ee dalkaba isla markaana ay dawladdiisu tahay mid marwalba door muhim ah siinaysa xuquuqda haweenka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambayn u sheegay haweenka in ay dawladdu il gaar ah ku hayn doono amniga gobolka mudug, isla markaana looga baahan yahay in ay haweenku sii laba jibbaaraan doorkooda la xiriira amniga iyagoo ka bilaabaya in ay hubiyaan cidda ay ka kiraynayaan guryohooda iyo  cidda ay ka shakiyaan ee kusoo biirta xaafadohooda.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa hore kulamo noocan oo kale ah ula soo qaatay laamaha ammaanka gobolka, wax-garadka, ururada bulshada rayidka ah, aqoon yahanka iyo dhallin yarada gobolka Mudug, waxaana diiradda lagu saarayey sidii dawladda iyo bulshada gobolka mudug ay isaga kaashan lahaayeen sugidda nabad-gelyada gobolka hawlbowlaha u ah Puntland ee Mudug.

Puntlandes.com

 

About The Author