Liiska Golaha deeagaanka degmada Gaalkacyo oo maanta la soo bandhigayao

13 July 2016 (Puntlandes) Guddiga hagaajinta iyo dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ayaa maanta waxaa la filayaa inay ku dhawaaqaan liiska xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.
226-9a11

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Guddiga dhismaha Golaha Deegaanka ay maanta qabanaya shir jiraa’id oo ay ku shaacinayaan liiska xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo oo ah 27 xubnood kuwaasoo buuxiyay sharuudihii laga doonayey cida u tartamaysa Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.

Waxaa dhanka kale lagu wadaa in maalinta berri ah ama maalinta ku xigta loo qabto doorashada Duqa Gaalkacyo iyo ku xigeenkiisa.

Golahaan cusub ee deegaanka ayaa ka duwan kuwii hore ee ku caan baxay Musuqmaasuq iyo waxqabafd la’aan, waxaana kuwan lagu soo xulay Aqoon iyo Sumcad ay Bushada ku dhex leeyihiin.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 4tii Juky kala diray Golihii hore ee Deegaanka Gaalkacyo kadib markii lagu eedeeyay inay kasoo bixi waayeen waajibaadkodoa shaqo iyo Muqusmaasuq.

Puntlandi,com

 

About The Author