Shir beesha Hawiye ku qabsan lahayd saaka Muqdisho oo Xasan Sheekh joojiyay

14 July 2016 (Puntlandes) Shir ay beesha Hawiye ku qabsan lahayd saaka magaalada Muqdisho ayaa waxaa Hor istaagay madaxweynaha DFS Xasan Sheekh. Shirka ayaa saaka ka dhici lahaa Hotelka Maka Al-Mukarama ayna isugu yimaadeen waxgarad, odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa la joojiyo waxaana joojiyey shirka Ciidamada ammaanka.

223-9a10

Shirkan ayaa waxaa looga hadli lahaa arrimaha Doorashooyinka dalka ka dhacaya iyo waxqabadka Madaxweyne Xasan Sheekh afartii sano ee uu xilka hayay, iyadoo qaban qaabiyeyaasha shirka ay sheegeen inay uga soo horjeedaan fara gelin uu Madaxweynaha ku haayo Beelaha Hawiye.

Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galayay shirka ayaa u sheegay Warbaahinta in markii la isugu yimid Hotelka ay u yimaadeen saraakiil ka tirsan Laamaha ammaanka, kuna war geliyeen in shirka la joojiyo xaalad amni awgeed.

Intaas kadib ayaa waxaa soo baxday in Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la sheegay in lala bartilmaameedsan rabay Hotelka Maka Al-Mukarama ay qabteen Ciidamada Nabadsugida, waxaana kadib lagu kala dareeray Hotelka markii warkaas uu soo baxay.

Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Nabadsugida ay qabteen gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay iyo ninkii waday oo su’aalo la weydiinayo.

Shirka ka dhici lahaa Hotelka Maka Al-Mukarama ee looga hadlayay xaalada dalka ayaa waxaa la sheegay in abaabulkiisa ay lahaayeen Guddoomiyaha Dhaqanka Beesha H/gidir Abuukar Ganey iyo Boqor Cabdullaahi Geeddi Shadoor.

Puntlandes.com

About The Author