Madaxwayne Siilanyo Oo Digreeto Ku Magacaabay Todobada Degmo oo cusub

14 July 2016 (Puntlandes) Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa maanta digreeto ku magacaabay todoba degmo oo kamida gobolada Somaliland.

227-6c2

Waxaana digreetada lagu magacaabay degmooyinku ay u dhignayd sida tan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4090/072016 ku magacaabay todoba Degmo oo Cusub.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                       Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqraddiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                       Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey:               Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

Markuu Tixgeliyey:               Baahida loo qabo in Degaanka Geba-gebo loo magacaabo Degmo cusub;

Markuu Dhegeystay:                        Soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday;

 

  • In uu Balli-mataan  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Maroodi-jeex.
  • In uu Geba-gebo  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.
  • In uu Faqayuub  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.
  • In uu Shaxda u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Xaysimo.
  • In uu Wadaamagoo  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Saraar.
  • In uu Adhi-cadeeye  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sool.
  • In uu Gumburaha u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Hawd.

Puntlandes.com

About The Author