Dhagayso: Golaha Deegaanka Degmada Galkacyo oo la shaaciyey & sidii Puntlandes qortay oo Gaas ku daray 4 Xubnood

14  July 2016 (Puntlandes) Waxaa goor dhoweyd ay Madaxtooyadda Puntland shaaciyey Liiska Xildhibaanada cusub ee Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo, kuwaasoo uu sidii ay Qortay Warbaahinta Puntlandes  madaxweyne Gaas ku daray 4 Xubnood oo cusub.

227-3a1

Afhayeenka Madaxtooyada Dawladda Puntland Cabdullaahi Quraanjecel ayaa saxaafadda u akhriyay Liiska Xildhibaanada cusub ee Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo oo ay beelaha Gobolku soo dhameystireen xubnihii uga qeybgeli lahaa Golaha.

31 Xubnood ayey Madaxtooyadu soo bandhigtay halka uu markii hore ka ahaa Golaha Deegaanka Degmada Gaalkav´cyo 27 Xubnood, iyadoo uu madaxweyne Gaas Jeebkiisa kala soo baxay 4 ta xubnood si uu si jajuub ah usoo saaro Xubin uu Heshiis kula galay odoyaal uu hogaamimayey Nabadood Gaano oo ka socday Beesha Reer Mahad.

Warbaahinta Puntlandes ayaa XOG lagu kalsoonaan karo ku heshay in ujeedada 4 ta Xubnood uu madaxweyne Gaas ugu daray ay tahay si uu  u soo saaro Musharaxa loo keensaday laguna AMRAY inuu ka dhigo Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo.

Dhagayso Afhayeenka Madaxtooyada Dawladda Puntland Cabdullaahi Quraanjecel oo shaacinaya Liiska (Waa wax aan horay u dhicin Madaxtooyo shaacinaysa Gole Deegaan)

227-6c5

227-6c6
Puntlandes.com

About The Author