Dhageyso: Aqoonyahan Sheiknor Abukar Qassim oo ka hadlaya, Musuq Maasuq & Habacsanaan Baahsan oo Jira Koonfur Galbeed

15  July 2016 (Puntlandes) Sheiknor Abukar Qassim oo Ka mid ah Aqoonyahnada Degaanada Kooonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana Degan Dalka Mareykanka oo Xog ogaal u ah Koonfayaa ka Hadley Siyaasadda Guud Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dhaqaallaha, Amniga iyo weliba Dhibaatooyinka ka taagan Gobolka Shabellaha Hoose.

227-6c7

Aqoonhayanka oo wareysi gaar ah uu siyey saxaafada ayaa sheegey in rajadii laga filayey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay sii quuseyso, isla markaana ay jiraan Habacsanaan oo ka jiro Hay’adaha Dowlada, Sida Baarlamanka, isgoona xusey in ilaa iyo haatan uuysan jirin Madaxweyne ku xigeenka Dowlada waxa uu tilmaamey in Madaxda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku masquuleen Doorashadda 2016 iyo dano gaar ah waa sida hadalka u dhige ee.

Waxa uu Hoosta Ka Xariiqey Aqoonyanahanku in dhaqaalle la doonayey oo 5 sano ee soo socto dib u dhisyo looga sameyn lahaa Degaanada,  Kaabiyaasha Dhaqallaha iyo Hay’adaha Dowlada isla markaana uu u soo bandhigey Bank Aduunka ay buuxin waydey Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“ rajadii laga qabey maamulka ma aysan dhicin, waxa jiro Hubacsanaan Dhanka Maaliyada, Amniga, siyaasadda, Koonfur Gabeed Soomaaliya waxay ku fashilantey Sharuudo uu soo bandhigey Bank Aduunka oo dhaqaalle lagu siin lahaa, isla markaan Jubbaland ay buuxsiyey, Hanaan Maaliyadeed oo la hubo malahan, Maamulkii oo dhan waxa uu ku soo koobmey Halka Qoys” ayuu yiri Aqoonyahan Sheekh Nuur Abukar Qaasim.

Ugu dambeyntii ayuu Aqoonyahanad ugu baaqay Aqoonyahanada, Baarlmanka, Siyaasadiiyiin, Odayaasha dhaqanka iyo Haweenka in ay ku dadaalaan wax wada qabsi iyo in mar weliba ay la xisaabtamaan Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si aysan Maamulku u noqon jarjaro lagu gaaro Doorashada 2016.

Halkan Ka Dhageyso Wareysi.

Puntlandes.com

 

About The Author