Dhagayso: Dikreeto Gaas “waxaa golaha Deegaanka lagu daray 4 xubnood oo Haween..” xaggee bay sharciga kaga taalaa?

14  July 2016 (Puntlandes) waxaa maanta ay madaxtooyada Puntland shaacisay liista Xildhibaaanada Golaha deegaanka Degmada Gaalkacyo, isagoo uu madaxweyne Gaas kusoo daray Golag´ha 4 Xubnood oo uu jeebkiisa kala soo baxay isagoo doonaya inuu soo saaro musharax ay u keensadeen odoyaal uu hogaaminayey Nabadoon Gaani oo kasoo jeeda beesha reer Mahad.

227-3a1

Dikreetada Gaas uu ku kordhiyey Golaha Deegaanka wax sharci ah looma cuskan ee waxaa uu ku yiri “markuu garawsaday in Golaha Deegaanka lagu daro Xubno Dumar ah ..  Golaha waxaa golaha Deegaanka lagu daray 4 xubnood oo Haween…” xaggee bay sharciga kaga taalaa taasi?

Waxaa uu Gaas soo wadaaa maamul aan metelin Shacabka ku nool Degmada Gaalkacyo, mana laga filayo inuu noqdo maamulkii ay Gaalkacyo u baahnayd inuu uga sii daro dhan walba maahee.

Waxaa kaloo la iswaydiinayaa muxuu u kala diray kii hore hadduu keenayo mid kasii liita oo uu Musuqmaasuq ku keenay iyo sifo aan Sharci ahayn.

Dhagayso


Puntlandes.com

About The Author