wasaarada Deegaanka iyo Duurjoogta Puntland oo Gobolka Gardafuu ka Bilowday Olole Balaaran oo lagula dagaalamayo nabaad guurinta dhirta iyo Dhuxusha

Socdaal isugu jirey wacyigelin, & hawlgal lagula dagaalamayey nabaad
guurinta dhirta & gubista dhuxusha ayaa masuuliyiinta guddiga
wasaarada Deegaanka Daaqa Dalxiiska iyo Duurjoogta ee Degmada Baargaal
iyo maamulka Degmada iyo gobolku Gardafuu ku tageen magaalooyin &
tuulooyin hoos yimaada Degmada Baargaal.

Waftiga oo uu hogaaminayey isuduwaha wasaarada Deegaanka Daaqa
Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland ee gobolka gardafuu Mudane saalax
Maxamed muuse (Saalax Liisho) ayna kamid ahaayeen, Xoghayaha Degmada
Baargaal Siciid Cawil Dhuxul , Taliyaha saldhiga Baargaal Taliye Cabdi
jaamac, Xubnaha gudiga deegaanka, Cuqaal, & bahda Saxaafada ayaa waxy
shirwayne ku saabsan wacyigalinta bulshada iyo xakamaynta nabaad
guurinta dhirta & gubista dhuxusha ku qabteen magaalada Taageer.

Shirwaynaahaas oo ayay Gudiga Deegaanka Iyo hawlwadeenada wasaarada
Deegaanka Puntland kula shireen qaybaha kala duwan ee bulshada
Deegaanka halkaasoo ay kala hadleen sidii deegaanadaas looga suulin
lahaa gubista dhuxusha oo meela badan guddigu indhahooda ku soo arkeen
dhibaatada balaaran ee loo gaysanaayo Deegaanka iyo xaalufka iyo
nabaad guurka ka socda ayagoo arintaasi ku tilmaamay misiibo u baahan
in si degdeg ah wax looga qabto

Waxgaradka, & odayaasha ka soo qayb galay shirkan ayaa iyaguna
dhankooda soo dhoweeyey socdaalka waftigan ayagoo ku amaanay
wasaaradda Deegaanka iyo duurjoogta puntland wacyigelinta ay wado iyo
sida ay ugu hawlantahay wax Ka qabashadda deegaanka gaar ahaan
joojinta dhuxusha ayagoo ugu baaqay inay gacan ficil ka geystaan sidii
wax looga qaban lahaa la dagaalanka Dhuxusha & nabaad guurinta dhirta.

Gabagabadii shirwaynahan ayaa waxaa ka qaybgalayasha shirka oo kala
matalaayay Bulshada qaybeheeda kala duwan iyo maamulka Degmada iyo
Guddiga ilaalinta deegaanka ay ku heshiiyeen qodobo dhawr ah oo isugu
jira ganaax lacageed iyo xabsi ciddii lagu qabto Ka ganacsiga
Dhuxusha, Jarista Dhirta qoyan iyo wax walba oo dhibaato u gaysanaaya
Deegaanka laga bilaabo marka ay taariikhdu tahay 20/7/2016 , ayagoo
Dadka Caadaystay hawlaha noocaas ah ugu baaqay in ay Kawaantoobaan
inta ka horaysa taariikhdaas .

Ugu danbayntii maamulka Degmada Baargaal oo ay weheliyaan xubnaha
gudiga ilaalinta deegaanka ee wasaarada deegaanka daaqa iyo duurjoogta
iyo ciidamo bilays ah ayaa hawlgal ugu baxay deegaanada cadwo ,
Janbaloodi,daryada Salaaximo, warwar, Waadikhayr Gondoli , magagax ,
cuur iyo xinka oo kamid ah meelaha lagu sheegay inay kajirto gubista
Dhuxusha iyagoo burburiyey godad lagu gubi jirey dhuxusha soona
qabqabtay dadkii hawshaas waday qaar badana digniin kama danbays ah u
jaray

Maxamed Ibrahim Axmed
Degmada Baargaal- Gobolka Gardafuu
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14
Puntlandes.com

About The Author