BREAKING NEWS: Gudoomiyaha Gudiga Doorashada heer Federaal oo la Doortay

15 July 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes. ayaa waxay heshsy in caawa Xarunta Xalane lagu doortay Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka ee heer Federaal.

226-3

Waxa ku tartamay Gudoomiyenimada Gudiga Dooradhooyinka laba Musharax oo kal ah Saciid Qoorsheel iyo Abuukate Cumar Dhagey oo ah la Taliyaha Madaxweyneha DFS Xasan Sheekh.

Abuukaate Cumar Dhagey ayaa waxa uu helay wareegii labaad 15 cod halka Saciid Qoorsheel uu helay 7 cod oo kaliya.

Sidaas ayaa waxaa ku guulaystay inuu noqdo Gudoomiyaha gudiga Doorashooyinka ee heer Federaal Abuukaate Cumar Dhagey oo uu watay madaxweybaha DFS Xasan Sheekh.

Soomaali fara badan oo ay ku jiraan Xisbiyada ka dhisan magaalada Muqdisho ayaa shaki wayn ka muujiyey dhexdhexaadnimada Abuukaate Cumar Dhagey oo iminka noqday Gudoomiyaha gudiga Doorashooyinka ee heer Federaal, maadaama uu wato madaxweynaha DFS uuna fulinayo Rabitaankiisa oo kaliya.

Puntlandes.com

About The Author