Daawo Video: Dawlada Puntland oo ka horjoogsatay Somaliland inay Diiwaan gelin ka samayso Bariga Sanaag & Caro lagula dhacay reer Sanaag

15 July 2016 (Puntlandes) Madaxda Soomaliland iyo Xisbiyadda Somaliland ayaa iyagoo Daahfurayey Isdiiwaan gelinta Galbeedka Gobolka Sanaag waxay Caro la duldheceen dhamaan reer Sanaag kadib markii ay suurtoobiwayday inay tagaan ama Diiwaangelin ka bilaabaan Bariga Gobolka Sanaag oo dawlada Puntland gaysay Ciidamado aad u faro badan.

227-7a

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa munaasabaddas ka sheegay in uu aad u doonayey inuu tago oo ka khudbeeyo magaalada Badhan iyo magaalooyin kale ee dhaca dhanka Puntland, taasoo uusii raacshay inay u suurtoobi wayday maadaama Ciidamo badan ay Puntland keentay.

Dhanka kale waxaa wax lala yaabo noqotay in dhamaan madaxdii halkaas ka hadashay ay ay dhaleecayn u jeediyaan guud ahaan shacabka reer Sanaag.

Puntlandes.com

About The Author