Daawo sawirada Munaasabad balaarann oo lagu Taageeray Musharax Maxamed C/risaaq oo ka dhacday Gothenburg dalka Sweden

17 July 2016 (Puntlandes) Waxaa ka dhacaday xalay oo taariikhdu ahayd 16ka July 2016ka magaalada Gothenburg ee dalka Sweden Musaanad balaaran oo ay Jaaliyadada Soomaaliyeed ee dalka Sweden ku taageereen Musharaxa u taagan xilka madaxweyninida dalka Soomaalya Maxamed Cabdirisaaq Abuukar , taasoo la filayo inay Doorashadiisu dhacdo dhawaan.

Munaasabadaas ayaa isugu jirtay soo dhawayn Musharaxa Maxamed Cabdirisaaq Abuukar iyo marwadiisa Yaasmin Cabbaas, isla markaasna ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ku taageertay Musharaxa.

Musharax Maxamed Cabdirisaaq Abuukar ayaa Musharaxnimadiisa kaga dhawaaqay Caasimada Soomaliya ee Muqdisho isagoo kadibna Safar dheer ku kala bixiyey Gobolada Bay, Bari Karkaar, Nugaal iyo Mudug, intaas kadib Musharaxa ayaa waxa uu Safar dibada uu ku kala bixiyey Waqooyiga Ameerika iyo wadamo ka mid ah Qaraada Yurub iyadoo ay si isku mid ah u taageereen jaaliyadaha Soomaaliyeed ku nool dalalkaasi.

Musaanadda ayaa waxay ka dhacday magaalada Gothenburg caasimada labaad ee dalka Sweden, taasoo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay.

Musaanadda ayaa waxaa ka qayb galay soomaali badan oo ka kala timid Dalka Sweden gudihiisa iyo dibaddiisaba, waxaa taageero wayn ay u muujiyeen dhamaan kasoo qayb galayaasha Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abuukar, iyagoo Allah uga baryey inuu ku guuleeyo Kursigaas.

Waxaa ka hadlay Dad badan oo dhamaantood taageeray una duceeyey Musharax Maxamed Cabdirisaaq Abuukar, waxayna ka mid ahaa Waxgaradkii iyo mas’uuliyiintii ka hadlay Munaasabadda:

    • Cismaan Mohamud.
    • JamaadHaaryuun.
    • Abdulaahi Xayd.
    • Abdirisaq Garweyne.
    • Saxardiid.
    • Mohamud Dayib.
    • Cali Diiriye.
    • Abdulaahi Cabaas.
    • Ruqiyo Xassan.
    • Safiyo Awaare.
    • Iyo waxgarad kaloo farabadan iyagoo dhamaantood taageeray Musharaxnimada xilka madaxweyninimada Soomaaliya ee Maxamed Cabdirisaaq Abuukar, iyagoo isla markaasna kusoo dhaweeyey dalka Sweden.

Musharax Maxamed Cabdirisaaq Abuukar oo Khudbad dheer ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horayn u mahadnaqay Gudigii kasoo shaqeeyey Munaasabaddan aadka u quruxda badan iyo dhamaan kasoo qayb galayaasha waqtigooda qaaliga ah usoo huray, kadibna waxa uu uga madahceliyey Taageerada balaaran oo ay u muujiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dalka Sweden iyo kuwa ku nool dalalka ka agdhow.

Musharax Maxamed Cabdirisaaq Abuukar ayaa khubadiisa aad ugu dheeraaday waxyaalaha uu ka qabanayo dalka Soomaaliya oo ay ka jiraan dhibaatooyin waawayn oo ah Xagga Amniga, dawalad dhisida, maamul wanaaga iyo soo celinta Kalsoonidii ka jiri jirtay ummadda Soomaaliyeed dhexdeeda.

1

1-1

1-1a

1-1ab

1-1b

1a

1-a

1aa

1ab

2

2a

2aa

2ab

3

3a

3aa

3ab

3ab1

4

4a

4ab

4ab1

5

5a

6

7

8

9

10

11

12

13
Puntlandes.com

About The Author