Musharax Faroole oo soo dhaweyn la,aantii Bosaso ka helay Garowe

16 July 2016 (Puntlandes) Waxaa maanta soo gaarey magaalada Garowe ee caasimada Puntland Madaxweynihii horre ee Puntland Abdiraxmaan Faroole ka dib markii labo maalin ka hor uu kasoo degay magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

 Musharax Cabdiraxmaan Faroole ayaa fashil wayn kala kulmay inuu soo dhaweyn ka helo magaalada Bosaso ka dib markii aanu ugu tagin Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso hal qof oo ka mid ah shacabka ku nool magaalada Bosaso.

Hoos ka daawo soo dhawayn la,aantii uu Bosaso kala kulmay Masharax Faroole

8

9

10

Mr Faroole oo Bosaso kasoo baxay  galinkii hore ee shalay ayaa si la mid ah soo dhaweyn la,aan ugala kulmay shacabka ku nool magaalada Qardho, wuxuuna ku hakaday goor galinkii danbe ah  Degmada Dongoroyo ee Gobolka Nugaal .

Abaabulka Garowe ee la xiriira soo dhawaynta Musharax Faroole

Sababta ka danbeysay hakadka Degmada Dongoroyo ayaa la xiriirtey si magaalada Garowe looga diyaariyo soo dhaweynta musharax Abdiraxmaan Faroole islamarkaana sidii uu ugu soo beegmi lahaa subaxnimadii hore ee maanta magaalada Garowe .

Waxaana ilaa xalay gudaha magaalada Garowe ka socday olole xoog leh oo  ku saabsan soo dhaweynta musharax Abdiraxmaan Faroole kaas oo ay wadeen kooxaha u adeega siyaasada fashilka ee musharax Abdiraxmaan Faroole.

Hoos ka daawo soo dhawayntii Garowe ee ay soo abaabuleen kooxagha u adeega Musharax Faroole

5

7

6

1

2

3

4

Puntlandes.com

About The Author