Dowladda Soomaaliya oo Sameysaneysa Maraakiib ilaalisa Xeebaha Dalka

17 July 2016 (Puntlandes) Dowaladda Soomaaliya ayaa samaysanaysa maraakiib ilaalisa Xeebaha Dalka iyada oo hada ay socoto Samaynta Maraakiib gaaraysa ilaa lix markab oo ah kuwa loogu tala Galay ilaalada Xeebaha

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Dr Ali Sa”id Faqi oo booqanaayey Goobta lagu diyaarinaayo Maraakiibta ,ayaa waxaa uu sheegay in ay guul taariikh ah u tahay Soomaaliya in loo sameeyo Maraakiib Ilaalisa Xeebaha Dalka kana ilaalisa wax walbo oo halis ku ah Soomaaliya  ee ka yimaada dhanka badda.

Ali Faqi ayaa waxaa uu sheegay in Hadii lagu guuleysto Sameynta Marakiibtaan oo hada howsheeda ay socoto in ay amaanka xeebaha wax ka qaban dooonaan sida burcadbadeedka Argigixisada kuwa hubka sharcidarada Soogalinaya Dalka iyo waliba ku wa kaluumeysiga sharcidarada ah ka wada Biyaha Soomaaliya .

Danjire Cali Faqi ayaa waxaa sidookale uu sheegay in Heshiiska dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda (Atlantic marine offshore) ee fadhigeedu yahay wadanka Holland uu jiro  in la tababaraayo Ciidamadii marakiibta ku shaqeynlahaa oo tabarkoodana uu qaadan doono Muddo Ku siman 5 ilaa 7 sano  kadibana ay la wareegaan howlaha Maraakiibtaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa ayaa heshiiis la gashay shirkada hada ku howladan Samaynta Maraakiibtaan taas oo la yiraahdo Atlantic marine offshore28 bihii Julay 2013, heshiiska maraakiibtaan Soomaaliya loogu sameeyo, waxaana Somaaliya u saxiixay Wasiir kii Hore ee Gaashaandhiga Abdihakim Mohamoud Haji-Faqi ,iyadoo goobjoogna ay ka ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Shiikh Maxamuud iyo Ra”iisulwasaarihii Xiligaas Dr Sacid Farax shirdoon,kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

IMG_9437

IMG_9466

IMG_9468

IMG_9485

IMG_9411

IMG_9412

IMG_9443

IMG_9464

Puntlandes.com

 

About The Author