Mudaaharaad loogu Soo Horjeedo Somaliand oo ka socdo Gobolka Sanaag

17 July 2016 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya magaalada Xingalool ee Gobolka Sanaag ayaa sheegayaan in halkaas ay ka soconayaan Mudaaharaadyo balaaran oo ay sameeynayaan Dadka ku dhaqan Deegaankaasi.

Mudaharaadayaasha ayaa waxay ka soo horjeedaan Diiwaan gelin ay Somaliland sheegtay inay ka samaynayso Gobolka Sanaag. Mudaharaadayaasha ayaa ku qeeylinayay erayo ka dhan Ah maamulka Somaliand waxaana ay socod Dheer ku marayaan Xaafadaha iyo Wadooyinka Magaalada xiingalool.

Dawlada Puntlanad ayaa iyadu u digtay Somaliland inay kusoo xadgudubto Xuduudda Puntland haddii ay samaysana ay qaadan doonto mas’uuliyadda waxa ka dhasha daandaansigaas ay wado.

D13769515_1732923613612533_6039103826090899312_n

1

2

3

4

5

6

7

Puntlandes.com

About The Author