Dhagayso: Wasiirka Deegaanka “Doorashada Duqa & kuxigeenkiisa waxay golaha deegaanka Gaalkacyo dooranayaan sabtida 23ka July”

17 July 2016 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gudiga Hagaajinta iyo Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo isla markaasna ah Wasiirka Deegaanka Dr. Cali Cabdulaahi Warsame ayaa maanta ka hadlay halka ay marayso hawlihii Gudigu u xilsaarnayeen oo dhawaan ay soo afjarayaan.
227-5a3
Wasiir Cali ayaa waxa uu sheegay in Doorashada GudoomiyahaDegmada Gaalkacyo iyo kuxigeenkiisa ay dhacayso maalinta sabtida ee bishu tahay 23ka July, iyadoo maalinta berri ah la dhaarin doona Golaha Deegaanka Gaalkacyo.

Wasiir Calli  ayaa sheegay inay u mahad celinayaan cid kasta oo ka qayb qaadatay maalinta bari ahna ay tahay dhaarintii sabtida soo socotana ay tahay maalintii gudoomiye ay dooran lahayeen golaha deegaanka degmada Gaalkacyo.

Liiska Xildhibaanada cusub ee Golaha Deegaanka Gaalkacyo ayaa waxay Madaxtooyada Puntland shaacisay 14kii bishan, iyadoo maanatana uu Wasiir Cali ku dhawaaqay inay qabanayaan Doorashada Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo 23ka bishan taasoo ah waqti aad u dheer markii la dhisay Golaha iyo marka ay dooranayaan Gudoomaiyaha, waxayna ku fasireen Khuburo ku xeeldheer Arimahan oo ay Warbaahinta Puntlandes wax ka waydiisay inay dawladu doonayso waqti ku filan si ay usoo saarto Musharaxa ay wadato.

Waxaa la saadaalinayaa inay noqon doonto Doorasho aad u adag, waxaana ku tartamaya 4 Musharax oo kala ah:

Deeq Mohamud Hashi
Osmaan Salat Fagaase
Mohamud Yasin Tumey
Yasin Mohamud Jama

Dhagayso Wasiir Dr. Cali


Puntlandes.com

About The Author