Dagaal ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag

16 July 2016 (Puntlandes) Wararka aan ka helayno deegaanka BoodaCadd ee gobalka ee Gobalka Sanaag waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacy dagaal u dhexeeya Ciidamo  kala socday Puntland iyo Soomaliland.

227-8c1

Dagaalka ayaa ahaa aad mid culus oo laysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Gobalka Sanaag ayaa waxaa kuwada sugan waftiyo ka wada socda Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo iskugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil sare.

Si dhaba lama xaqiijin karo khasaaraha illaa hada ka dhashay dagaalka ka qarxay Gobalka Sanaag, warka laga heli karo aaga dagaalka oo xadidan.

Deegaanka BooddaCadd ayaa u dhexeysa magaalooyinka Dhahar iyo Xingalool, waxaayna 30km dhinaca waqooyi galbeed ka xigta degmada Dhahar.

Puntlandes.com

About The Author