Shirkii Madaxda Hogaamiyayaasha Qaranka oo lagu balansanaa maanta 17ka oo dib ugu dhacay 29ka July

17 July 2016 (Puntlandes) Shirkii Madaxda Hogaamiyayaasha Qaranka ee balantu ahayd inuu Furmo maanta oo ay taariikhdu tahay 17ka July ayaa waxaa ku yimid dib u dhac.

2223-1a4

 

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Shirka Madaxda Hogaamiyayaasha Qaranka uu dib ugu dhacay 29ka July, taasoo ay ka dhiman tahay 12 Cisho. Shirkan oo lagu go’aamiyey Baydhabo inuu noqdo kan ugu dambeeya uuna qabsoomo 17-20 July, ayuusan suurto gelin inuu qabsoomo Maanta oo ay balantu ahayd inuu furmo.

Waxaa ummada soomaaliyeed ay ogyihiin in madaxeweyne Xasan Sheekh uu ka qayb galayo shirka AU ee socda magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda.

Dhanka kale uma suurtoobin inay hesho  Warbaahinta Puntlandes sababta dhabta ah ee ka dambaysay in Shirka uu dib u dhac ku yimaado.

Puntlandes.com

About The Author