Taliye cusub oo AMISOM loo magacaabay

19 July 2016 (Puntlandes) Taliyaha cusub ee howgalka midowga Afrika ee AMISOM janaraal Cismaan Nuur Subagle, ayaa xilka si rasmi ah ugula wareegay taliyihii isaga ka horeeyay ee janaraal Jonathan Rono kadib markii taliyaha cusub uu magaalada Muqdisho shalay soo gaaray.

227-10

Janaraal Subagle taliyaha cusub ee AMISOM ayaa kulan la yeeshay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya ahna taliyaha guud ee howlgalka midowga Afrika ee danjire Francisco Caetano Madeira,isagoo sheegay in isbedelkan uu yimid waqti muhiim u ah howlgalka AMISOM.

“Janaraal ayaa yimid waqti aan doonayno in howlgalka AMISOM dib u eegis lagu sameynayo sanadkan 2016 waan ku faraxsanahay kulanka aan la yeeshay iyo wadahadalkeena. Hadda fikradda howgalka waxay gashay xooga hirgelinteedana waxaa ay imaanaysaa xilli uu isaga taliye ka yaha,” ayuu yiri danjire Madeira.

Isagoo hoosta ka xariiqay in howlgalka uu diiradda saari doono xaqiijinta ammaanka goobaha lagu qaban doona doorashada Soomaaliya, taas oo taliyaha cusub uu u lahaan doona dareen dhow isla markaana uu ku bixin doona hogaanka looga baahan yahay si arintaas loo xaqiijiyo.

Janaraal Cismaan Nuur Subagle, oo u dhashay dalka Djibouti ayaa waxaa uu leeyahay khibrad shaqo oo howlgalka AMISOM ah isagoo soo noqday madaxa AMISOM ee qeybta difaaca intii u dhaxeysay 2012-2013-kii.

Ka hor inta aan la magacaabin taliyaha  ayaa waxaa uu ka qeybgali jirey kulamada ay yeeshaan guddiga isku dibaridka howlgalada militir ee AMISOM isagoo ka wakiil ahaa ciidanka ka socda dalka Djibouti.

Danjire  Madeira ayaa janaraal Subagle u rajeeyay guul hogaankiisa cusub ee howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Puntlandes.com

About The Author