Sawirro: DFS oo Maamulada Banaadir iyo Koofur galbeed Raashiin ku wareejisay

19 July 2016 (Puntlandes) Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS ayaa maanta deeq Raashiin ah ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir, dowladda goboleedka Koofur galbeed iyo ehelada  dhibbanayaasha saxaafadda Soomaaliyeed.

Deeqdan oo isugu jirta Bur iyo Sokor ayay DFS ugu tala gashay in lagu caawiyo dadka tabaalaysan ee ku kala nool degaannada koofur galbeed Soomaaliya, gobolka Banaadir iyo ehelada wariyeyaashii ay dileen Al-shabaab iyo kuwii ay dhaawaceen.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha DFS Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo munaasabaddaasi ka hadlay ayaa ugu horrayn kaga mahad celiyay dowladda Turkiga oo ay deeqdani ka timid, isagoo ballan qaaday inay si hufan u gaari doonto cid walba oo wax ku leh raashinkan una marsiin doonaan gacmo aamin ah.

Agaasimaha guud wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska DFS Cabdirisaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) oo wkiil ka ahaa wariyaashi dhintay iyo kuwii dhaawacmay ayaa sheegay inay muhiim tahay in la la taakuleeyo Suxufiyiintii ku waxyeelloobay gacanta Al-shabaab iyo eheladii ay baxeen dowladduna aysan illaawi doonin.

Agaasime Bahlaawe ayaa intaa raaciyay iney deeqdan kusii wareejin doonaan qoondada suxufiyiinta dhibban ku leeyihiin Abwaan Cusmaan C/laahi Guure oo ka mid ah golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed iyo bahda saxaafadda.

2-2-1024x768

5-3-300x225

6-1-768x576

8-1021x580

10-768x436

13-1024x768

Puntlandes.com

About The Author