Sawirro: Masar oo Qalab Ciidan ku wareejisay DFS

19 July 2016 (Puntlandes) Wasiirka Gaashandhigga DFS Gen.Cabdiqaadir Sheekh Cali (Diin) oo uu waheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Maxamed Aadan Axmed, ayaa Safiirka dalka Masar u fadhiya Soomaaliya kale wareegay deeq isku jirta Gadiid nooca Dagaalka iyo saanad kale oo Ciidan oo loogu talagalay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta kamaandooska ee Danab, si ay u xoojiyaan howlagalada dalka lagu sifeynayo haardiga maleyshiyaadka argaxisida Al-shabab.
Danjiraha dalka Masar u fadhiya Soomaaliya Mowliid Ismaaciil oo la hadley warbaahinta qaranka ayaa sheegay In dowlada Masar ay garab tagaan tahay Soomaaliya isla markaana ka qeyb qaadan doonto dib u dhiska iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya sareeyo gaas Maxamed Aadan Axmed oo goobta ka hadlay ayaa dowladda Masar ugu mahadceliyay deeqda ay soo gaarsiiyeen taliska ciidanka xooga dalka.
Wasiirka Difaac DFS Gen C/qaadir Sheekh Cali (Diini) oo kala wareegay saanada ciidan safiirka dowladda Masar ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhankiisa mahad naq balaaran u jeedin doona, isagoo sheegay in qalabkan lagu wareejin doona ciidanka xooga dalka gaar ahaan Danab.
Dowladda Masar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha saacida Soomaaliya iyadoo sidan oo kale dhowr jeer ay dalka keentay kaalmo loogu talagalay ciidanka Soomaaliya.

Sequence-36.Still001

Sequence-36.Still002 (1)

vlcsnap-2016-07-19-12h49m59s659

vlcsnap-2016-07-19-12h50m47s253

vlcsnap-2016-07-19-12h51m18s212

vlcsnap-2016-07-19-12h51m45s157

vlcsnap-2016-07-19-12h53m00s807

vlcsnap-2016-07-19-12h53m19s086

Puntlandes.com

About The Author