Gen Siciid Dheere oo gaarey Jiida horre ee Gobolka Sanaag

Cutubyo ka tirsan ciidanka difaaca Puntland oo xalay ka ruqaansaday fariisimahooda ayaa galinkii hore ee maanta gaarey deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ka dib dagaal maamulka Somaliland kusoo qaaday deegaano ay ka taliso Dowlada Puntland.

Kumanaan askari oo hubka noocyadiisa kala duwan ku hubaysan iyo gadiidka dagaalka kana  ruqaansadey saldhigyo ku yaala Gobolladda Bari iyo Nugaal ayaa wararku sheegayaan inay u dirtey Puntland difaaca Gobolka Sanaag.

Cutubyo ciidanka guutada labaad ee difaaca Puntland oo ku hubaysan takniko farabadan ayaa xalay ka ruqaansaday magaalada Garowe, Islamarkaana uu hogaaminayo Taliyaha guud ee ciidanka Puntland Gen Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere).

Wararka ayaa intaas ku daraya inay degan tahay xaalada goobihii shalay ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland soo weerareen , walow ay Puntland ku daad gureysay deegaanada Dhahar iyo Baran ciidamo fara-badan Islamarkaana la filo karo iska hor,imaadyo xoog leh oo halkaas ku dhex mara Somaliland iyo Puntland.

Kala soco Puntlandes faahfaahinta ku saabsan difaaca Gobolka Sanaag

About The Author