Xulka Kubadda Cagta ee Puntland 1-0 kaga badiyey Xulka Hiiraan/Shabeelaha dhexe una gudbay Finalka

23 July 2016 (Puntlandes) Xulka kubada Cagta Puntland oo maanta ciyaaray Semi fanalkii ayaa u soo baxay Finaalka tartanka koobka Dowlad Goboleedada Soomaaliya, kadib markii ay 1-0 ku garaaceen Hiiraan/Shabeelaha dhexe.

228-2d3

Ciyaarta Puntland iyo Hiiraan/Shabeelaha dhexe ayaa  ayaa ahayd mid aad u kululayd una xiiso badnayd waxaana ayaa qeybteedii hore lagu kala nastay 0-0, wareegii ayaa waxaana ugu dambeyntii u suurto gashay xulka Putland inay Gool qurux badan ka dhaliyaan xulka Hiiraan/Shabeelaha dhexe.

228-2d2

Cayaaryahan Yacquub Cismaan ayaa dhaliyay goolka, Yacquub ayaana ah cayaaryahanka ugu Goolasha badan tartanka isagoo dhaliyay 4 Gool .

Yaasiin robinho u ka xulka Puntland  ayaa Aarbiratuhu siiyey Kaarka Cas, isagoo banaanka ka joogi doona ciyaarta Finaalka.

Xulka Puntland ayaa Finaalka Xulka Jubaland maalinta Isniinta la ciyaari doonta.’

Puntlandes.com

About The Author