(Maqaal) Gaalkacyo: Warshad Ragga soo saarta

Sida ay muujinayaan dhigaallada duuga ahi bartamihii qarnigii  19aad ayey asaasantahy Gaalkacyo iyado xilligaas ka horna ahaan jirtey ceel xooluhu ka cabaan, xoola dhaqataduna ay ku kulmaan kuna kala warqaataan, goobaha taariikhiga ah ee ay Gaalkacyo caanka ku tahay waxaa ka mid ah, ceelka bardacad, taallada qadiimiga ah, shaneema bardacad, harada yameyska, balliga cir jiifa iyo meela kale. Gaalkacyo waa magaalo kulmisa qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed waana sababta ay dad badani u aaminsan yihiin iney tahay magaalada ku haboon iney noqoto caasimadda Soomaaliya.

228-3aa

 

Gaalkacyo waxay dhacdaa bartmaha Soomaaliya, waa magaalo istaraatiiji ah waxay masaafo isku mid ah u jirtaa magaalooyinka, Muqdisho, Bosaaso, Hargeysa iyo Jigjiga, waxay kulmisaa ganacsiga isaga kala goosha gobolada koonfureed, woqooyi,kuwa galbeed iyo bari intaba, taaso magaalada ka dhigeysa xudunta dalka iyo halbowlaha nolosha soomaalida.

Gaalkacyo waa magaalada ugu saameynta badan Soomaaliya ayna iyada ka bilowdeen ama ku dhamaadeen inta badan dhacdooyinkii dalka soo maray colaad iyo nabadba, waxaana keenaya saameeynta xoogan ee ay reer Mudugu ku leeyihiin dalka,

Gaalkacyo Waa Warshada Ragga Soosaarta:

Gaalkacyo waxay ahayd xarunta dhaqdhaqaaqii gobonima doonka iyo hooyadii halyeyadii soomaaliyeed, Gaalkacyo waxaa lugu tilmaami jirey warshada soo saarta halgamayaasha waxaana ka mid ahaa shakhsiyaadka kasoo baxay Gaalkacyo iyo deegaanada hoos yimaada ee Soomaaliya baalasha dahabka ah ka galay iyo kuwa raadka reebey:

Dhanka halgamayaasha, Maxamed Cawaale Liibaan waa halgamaagii allifey calanka buluuga ah ee xidigta shan geestaa dhexda ku leh, Yaasiin Xaji Osman Sharma’arke iyo Daahir X aji Cusman Sharma’arke oo ahaa aasaasayaashii bud-dhigey ururkii xornimo doonka ee SYL, Abdirizaq Xaji Xuseen oo ka tirsanaa SYL kadibna noqdey ra’iisul wasaarihii labaad ee Jumhuuriyadda Soomaaliya, Abdirashid Ali Sharma’arke oo isaguna ka tirsanaa SYL  noqdeyna ra’iisul wasaare iyo madaxweyne, Abdullaahi Ciise ka tirsanaa SYL noqdeyna ra’iisu wasaarihii xukuumadii daakhiliyadda, halgamaa Mooro oo ahaa ninkii isku biimeeyey oo lugu duray irbadii sunta ahayd ee loo wadey  Abdullaahi Ciiise, halgamaa Cumar Samatar iwm.

 Dhanka saraakiisha, Gaalkacyo waxay soo saartey saraakiil ciidan oo caan ka noqday geyiga Soomaaliyeed waxaana laga xusi karaa Abdullahi Yusuf Axmed iyo Maxamed Farax Caydiid. Dhanka fanaaniinta, Gaalkacyo waxay soo saartay fanaaniin ka caan baxay ayna ka mid yihiin Axmed Cali Cigaal iyo Maryan Mursal Ciise. Dhanka abwaanada Cusmaan Yuusuf Keenadiid waa abwaankii allifey farta loo yaqaanno cusmaaniya. Dhanka aqoonyahannada shakhsigii ugu horeeyey ee shahaadada PHD qaata taariikhda Soomaaliya Dr.Xassan Cali Mire iyo dhaqaalayahanka kaalinta sadexaad ka galay dhaqaalayahanada qaarada Afrika Abdiweli M. Ali Gaas. Dhanka dhakhaatiirta labada dhakhtar ee kaliya ee takhasus ka haysta cilmiga neerfaha Soomaaliya oo dhan Maxamed Jaamac Salaad iyo Maxamed Cabdi Gaboose waa reer Gaalkacyo. Dhanka qoraayaasha Yaasiin Cusmaan waa qoraaga qoray buuga qaamuuska afsoomaaliga ee marjica u ah afkeena hooyo.

Tani waa tusaale yar oo muujinaya Gaalkacyo iney tahay beer ay raggu ka baxaan iyo warshad sameysa hogaamiyayaasha iyo hooyo dhasha caruurta ugu saameeynta badan Soomaaliya xilli kasta oo la joogo, kuwaaso markasta hormuud u ah bulshada col iyo nabad ba. Waxaa la sheegaa in nin masaari ah oo magaalada macallin ka ahaan jirey uu maalin ardeydii ku yiri, “Gaalkacyo waa beer wax soo saarta” ardeydii wey la yaabeen hadalkiisa maadaama aan Gaalkacyo lugu tilmaami jirin dhul beereed, markaasuu macalinkii yiri Gaalkacyo waa beer ragga soo saarta halka magaalooyinka kale ay mira soo saaraan, wuxuu yiri Gaalkacyo ragga ay soo saarto bey Xamar u dirtaa, Xamarna miraha ay soo saarto bey Gaalkacyo usoo dirtaa qaabkaas beyna labada magaalo wax isku dhaafsadaan.

Waxaa kaloo xusid mudan Gaalkacyo iney tahay magaalada ugu hadal haynta badan soomaalida dhexdeeda, waa magaalada inta badan lugu sheekeysto oo lagasoo weriyo sheekooyin qosol iyo maadeysi xambaarsan iyo kuwa layaab leh, waa magaalada dalka ugu mug iyo miisaan weyn marka laga hadlayo xagga dhaqanka iyo hadal dhihida iyo sido kale hal adeyga iyo hawl karnimada, waa magaalo sheekooyinkeeda taxanaha ah hadii la qoro ay kumanaan buug buuxin karaan. Inta badan dunida dalwalba wuu leeyahay magaalo ama gobol caan ku ah curinta sheekooyinka iyo ereybixinta afka hooyo, magaalada ama gobolka noocaas oo kale ahna waxaa lugu tilmaamaa iney tahay meesha uu ka yimaado caqliga dalkaas iyo haldoorkiisuba.

Gaalkacyo waa magaalo been laga faafiyey:

Gaalkacyo waa magaalo muddo dheer dacaayado badan laga faafinayey dacaayadahaas waxaa aad u faafiyey labo qolo oo ay reer Gaalkacyo ka amar diideen kuwaaso kala ahaa: 1:Gumeystihii Talyaaniga oo ay reer Gaalkacyo amarkiisa diideen iyadoo inta badan hogaamiyayaashii hormuudka u ahaa halgankii xornimo doonka iyo kacdoonkii leegadu ay kasoo jeedeen Gaalkacyo iyo deegaanada ku xeeran, taasoo keentey inuu Talyaanigu soomaalidii kale ku qanciyo in reer Mudugu yihiin dad aan wax maqlin oo madax adag, wuxuuna u sheegey iney rer Mudug iska ilaaliyaan oo aysan waxba ka dhageysan ayna yihiin dad sharciga ku tunta isagoo sharciga ula jeedey awaamiirtiisa gurrucneyd ee la diidey. 2:Kacaankii Maxamed Siyad Barre oo Galkacyo ay ahayd meeshii ugu horreeysey ee mucaarad af iyo adinba ah kala hor timid uuna ka quustay inuu ku qanciyo iney kusoo biiraan kacaanka, taasi waxay keentey inuu reer Galkacyo ku qaado olole dacaayadeyn iyo suuraxumeyn isugu jira oo aan waxba loola harin. Dacaayadaha labadaas qolo aad bey u faafeen dad badanna waxay aamineyn in rer Galkacyo ay yihiin dad aan sharcigu qaban cid xukumi kartana aysan jirin xattaa rer Galkacyo qaar ka mid ah baa dacaayadahaas aaminey oo suuqgeeyey, dacaayadahaas waxaa suuq usii yeeley gabaygii Cusmaan Keenadiid oo ay ku jirtey  kelmada caanbaxday ee “Rer Gaalkacyood iyo sharciga yaa u gar naqi doona.”.

Gaalkacyo waa magaalo la hagraday:

Marka lagasoo tago kacaankii oo magaalada ka dhigey xero ciidan oo xoog lugu hayo, waxaa kaloo Gaalkacyo hagraday dhammaan maamuladii Puntland isaga danbeeyey oo magaalada ka dhigtey meel canshuurta laga qaato kadibna cidla looga tago. 1998 markii Puntland la dhisey Gaalkacyo waxay ahayd magaalooyinka dalka Soomaaliya ugu horumarsan uguna mashquulka badan dhanka ganacsiga iyo isu gudbinta badeecadaha iyo xoolaha nool ee ukala gooshaya deegaanada ay soomaalidu degto.

Dhisitaankii Puntland Gaalkacyo kama faa’iidin wax la taaban karo, magaalada lagama hirgelin maamul dowladeed oo shaqeeya mana aysan helin mashaariic horumarineed oo u qalma maqaamkeeda, waxaa hoos udhacay ganacsigeedii, mashquulkii suuqyada iyo bulshadii buuxdey magaalada gaar ahaan kadib markii laga wareejiyey seyladii xoolaha. Madaxda Puntland qaarkood Gaalkacyo waxay u imaan jireen nasasho halka qaarkalena ay imaan jireen oo kaliya markii ay jirto tacsi iyo duug. Dayaca ay xukuumadihii Puntland soo maray dayaceen waxay Gaalkacyo u geysatey dib udhac weyn, dadkana waxay ku abuurtay kalsooni darro badan.

Hayaanka Reer Gaalkacyo:

Gaalkacyo waxaa ka dhacay wax ladhoho maskax guur ama caqli hayaan, taaso ah in magaalada ay ka tageen dadkeedii gaar ahaan aqoonyahankii, ganacsatadii, dhalinyaradii iwm. Reer Mudugu waa dadka ugu socodka iyo safarka badan soomaalida, hadaad tagtid Bosaso ama Garowe waxay magaalooyinkaas la ciirciirayaan rer Mudug, hadaad tagtid Xamar waxaa dhooban rer Galkacyod, Addis Ababa iyo Nairobi hadaad booqatid waxaad is oroneysaa malaha Gaalkacyo qof kuma harin, hadaad usii gudubtid Tanzania, Uganda, Zambia, Muzamboque iyo South Africa waxaa buuxdhaafiyey rer Mudug Gaalkacyo kasoo haajirey, sido kale dhammaan qurbaha iyo wadamada ay soomaalidu tagtay rer Gaalkacyo waa dadka ugu tirada badan qurba joogta ee hal magaalo ka yimid, taasna waxay xoojineysaa aragti dad badani qabaan oo ah in rer Mudugu soomaalida ugu tiro badanyihiin uguna dhaqaala badanyihiin.

Hase yeeshee dhibaatada rer Gaalkacyo haysata ayaa ah ineysan ka fakerin deegaankii ay ka yimaadeen iyo dantiisa waxaana deegaan u ah hadba meeshii ay maalintaas joogaan, rer Galkacyo waxaa lugu tilmaami karaa sidii dad garab rarato ah oo hadba meeshii qorraxdu ugu dhacdo seexda subaxdiina kasii kallaha, waana sababta ay Gaalkacyo u noqotay magaalo transit ah oo habeen dhaxmo loogu hoydo, hadii aad Galkacyo 5 sano ka maqnaatid kadibna ku laabatid wey yaryihiin dadka aad ka garan kartid magaalada.

 

W/Q: Abdihakim Diriye,

Diiriye303@hotmail.com

Daabacaadii Puntlandes.com

 

About The Author