Sawirro:Madaxweynaha dawladda Puntland oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Garoowe

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo muddo saddex toddobaad ah hawlo shaqo u jeegey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda dawladda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha ayaa ka hor intii aanu soo gaarin magaalada Garoowe ee Caasimadda dawladda Puntland waxa si weyn loogu soo dhoweyey deegaanka Forotooyo ee gobolka Mudug iyo degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, waxaana uu Madaxweynuhu Burtinle ka dhagax dhigay Kastam cusub oo laga hirgelin doono degmadaasi, iyadoona uu Madaxweynuhu kaga qayb galay Burtinle kulan qado sharafeed ah oo ay u sameeyeen bulshada  reer Burtinle, kulankaas oo lagu qabtay duleedka galbeed ee magaalada Burtinle.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Duqqa degmada Burtile, cuqaasha iyo haldoorka deegaanka Burtinle iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Burtinle ayaa kulankaasi qado sharafta ah ka soo qayb galay isla markaana Madaxweynuhu waxa uu ku ammaanay is beddellada horumarineed ee ka taabba galay muddadii uu jirey maamulka Cusub ee degmada Burtinle, isagoona kula dardaarmay in lala shaqeeyo maamulkaasi isla markaana si mugleh loo garab istaago.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa markii uu soo gaarey Degmada Garoowe waxaa si weyn ugu soo dhoweeyey duleedka koonfureed ee magaalada Garoowe boqollaal dadweyne ah oo ku labisan calanka Puntland iyo astaamaha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, xubnaha labada gole ee dawladda, saraakiisha ciidanka iyo saraakiil ka socotey Madaxtooyada dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaarey Qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe waxaa uu war-fidiyeenada uga warbixiyey safarkiisii muddada saddexda wiig ah uu ugu maqnaa magaalada Gaalkacyo, waxaana uu sheegay in safarkaasi uu guul kusoo idlaaday kaddib markii la dhisay maamul cusub oo dhallin yaro ah isla markaana si dhab ah loo xaqiijiyey amniga guud ee magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada difaaca Puntland ee hawl-gallada kawada dhammaan gobolada Puntland, gaar ahaan ciidamada daraawiishta ee ku sugan jiidda Sanaag iyo Haylaan oo maalmihii ugu dambeeyey ay ka jireen dhaq-dhaqaaqyo ciidan, waxaana uu tilmaamay Madaxweynuhu ciidamada Daraawiishtu in ay yihiin kuwa sababta u ah sharafta iyo ciziga ay ku nool yihii shacabka Puntland.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay dhammaan shacabka reer Puntland in ay garab istaagaan ciidamada difaaca Puntland ee ku hawllan sugidda nabad-gelyada Puntland si looga hortago cid walba oo isku dayda in ay wax u dhinto amniga iyo midnimada Puntland.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu mar labaad bogaadiyey xulka kubbadda cagta Puntland oo guulo waaweyn ka soo hooyey ciyaarihii gobollada dalka ee ay la galeen gobollada Banaadir iyo Hiiraan/shabelle, isla markaana usoo gudbey heerka Finalka, waxaana uu ku tilmaamay Madaxweynuhu Xulkaasi in ay sharaf iyo karaamo u soo hooyeen Puntland isla markaana uu rajeynayo in ugu dambayn koobkaasi uu ka soo degi doono Caasimadda dawladda Puntland ee Garoowe.

 

123456789101112131415161718IMG_9632IMG_9643IMG_9644IMG_9647IMG_9653IMG_9658IMG_9660IMG_9663IMG_9665IMG_9669IMG_9670IMG_9671IMG_9673IMG_9676IMG_9680IMG_9683IMG_9687IMG_9688IMG_9689IMG_9696IMG_9698IMG_9699IMG_9705IMG_9713IMG_9714IMG_9722IMG_9723IMG_9724IMG_9725IMG_9727IMG_9737IMG_9739IMG_9742IMG_9757IMG_9763IMG_9765IMG_9766IMG_9767IMG_9772IMG_9780IMG_9784IMG_9785IMG_9786IMG_9787IMG_9789IMG_9793IMG_9795IMG_9797IMG_9808IMG_9815IMG_9818IMG_9823IMG_9843IMG_9850IMG_9854IMG_9859IMG_9862IMG_9865IMG_9866IMG_9872IMG_9875IMG_9877IMG_9882IMG_9883IMG_9885IMG_9886IMG_9888IMG_9890IMG_9893IMG_9898IMG_9915

About The Author