Daawo: Indhasheel oo sheegay inay wadohadalo la furayaan Puntland ayna Garowe kusoo xulayaan Xildhibaanada SSC

25 July 2016 (Puntlandes) Dhawaan ayey ahayd markii ay Wasgarad iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Beelaha SSC ay shir ku qabsadeen magaalada Nairo iyagoo kasoo raasay 9 qodob oo ah:

1. Shirka waxaa laga soo saaray war murtiyeed ku aaddan nabadaynta beelaha colaaddu ku dhexmartay koonfurta gobolka Sool, iyadoo ugu baaqay beelaha walaala ah ee dirirtu ka dhex dhacday in ay joojiyaan dagaalka macnadarrada ah ee aan labada dhinac midna wax faa’iido ah u soo kordhinayn. Wuxuu kaloo ugu baaqayaa maamulka Somaliland in ay joojiyaan hurinta colaadda labada beelood ee walaalaha ah, iyo faragelinta joogtada ah ay ku hayaan nabadaynta laga dhex wado labada beelood.

2. Shirku wuxuu isku raacay in laga hawl galo sidii loo sii adkayn lahaa midnimada bulshada maamulka Khaatumo iyada oo lala kaashanayo dadka ehelka u ah.

3. In ay isu yimaadaan golaha sare ee dhaqanka maamulka Khaatumo, si ay uga arrinsadaan danaha bulshada Khaatumo.

4. Shirku wuxuu isku raacay in wada xaajood lala furi karo ciddii wax inagaga xidhanyihiin sida ku qeexan qodobka Lixdan iyo Afaraad (64aad) ee Dastuurka maamulka Khatumo.

5. Wada xaajoodka kasta oo aynnu gelayno waxaa asaas u ah midnimada Soomaaliya.

6. In dib u habayn lagu sameeyo lana hawlgeliyo guddigii sare ee amniga ee maamulka Khaatumo.

7. Shirku wuxuu jaaliyadda guud ee Khaatumo ugu baaqayaa in ay ka hawlgalaan in ay uruuriyaan dhaqaale ku filan in lagu dardar geliyo laguna tayeeyo maamulka Khaatumo.

8. Shirku wuxuu isku raacay in si hagar la’aan iyo firfircooni leh looga qayb galo doorashooyinka dawaladda dhexe ee federaalka soomaaliya ee la filayo in ay qabsoomaan dhammaadka sanadka 2016.

9. Si loo xaqiijiyo taabbagelinta qodobbada ka soo baxay shirka, waxaa shirka laga magacaabay guddi guud oo ka kooban 21 xubnood oo isu sii kala qaybinaya guddi hoosaadyo kala duwan.
228-9a3
Daawo oo sharxaya Qodobadaas:

Indhasheel oo sheegay inay wadohadalo la furayaan Puntland ayna  Garowe kusoo xulayaan Xildhibaanada SSC

Puntlandes.com

About The Author