BREAKING NEWS: Puntlandes.com oo heshay Nuqul Ka mid ah Jadwalka Doorashada Soomaaliya

5 Aug 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa heshay Nuqul ka mid ah Jadwalka Doorashada Soomaaliya ee fooda nagu soo haysa.

IMG-20160803-WA0015

Nuqulkan ayaa waxaa ku xardhan Qorshe Hawleedka Waqtiyaysan, Waqtiga Geeddi socodka iyo Masuuliyadda.

Hoos ka akhriso Jadwalka:

August 2016

4 Aug – 6 Aug

  • Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)
  • Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha dorashooyinka ay ka dhacayaan (tusmaynta madax dhaqameedyada )
  • Musharaxiinta hadii kursi hal qof kaliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?
  • Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida xubnaha guddiga
  • Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan (hadii aysan dhisnayn ka hor xiliga doorashada);
  • Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare ee gobolka Banadir iyo howl-galintooda
  • Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka;
  • Habraac lagu xaqiijinaayo qoondada Haweenka ee 30% ee labada aqal ee Barlamaanka
  • Ansaxinta iyo Go’aan ka gaarista iyo soo bandhigidda Qorshe howleedka waqtiyeeysan iyo Miisaaniyadda Doorashooyinka 2016

 

7-13 August

  • Diyaarinta Xafiisyada GDGDD ee Xarumaha Doorashada

MHQ

 

14 Aug -20 Aug

  • Tababarka Guddiyada doorashooyinka federal iyo heer maamul Goboleed (GDGDD) (Mudadan waxay isugu jirtaa Imaanshaha iyo Noqoshada)

GFHDD/UN

 

21 Aug – 24 Aug

  • Tababarada 135 Madax dhaqameedyada
  • Qaadashada warqadaha Aqoonsiga .

GDGDD/GFHDD

 

September 2016

25 Aug – 10 Sep

  • 135 ta Madax dhaqameed ayaa soo gudbinaya liiska magacyada ergada
  • Xalinta Khilaafaadka ee Ergooyinka
  • Shaqaalaynta iyo tababarada howlwadeenada doorashooyinka
  • Madax Dhaqameedka /GDGDD/GFHDD

 

25 September

  • Dhisida iyo soo gudbinta  xildhibanada Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn bisha September 25-da, 2016

MHQ

 

11-30 September

  • Baahinta Waqtiga Diiwaangalinta Musharixiinta
  • Hubinta shuruudaha Musharaxa iyo Diiwaangalintooda
  • Diiwaangalinta Korjoogtada.

GFHDD

October 2016

01-14 October

  • Doorashada Golaha shacabka

GDGDD/GFHDD

 

15- 17 October

  • Hubinta iyo ku dhawaaqidda natiijada kama dambaysta ah

GFHDD

 

18 October

  • Dhaarinta Golaha Shacabka

Maxkamadda Sare

 

28 October

  • Doorashada Guddomiyaha Baarlamaanka

Baarlamaanka

 

07 November

  • Doorashada Madaxweynaha Jamuuriyadda Federalka Soomaliya

 

Wararku ku soo kordha Shirka Madasha ee Muqdisho ka socda kala soco Warbaahinta Puntlandes.

Puntlandes.com

About The Author