XOG: Wararkii ugu dambeeyey ee Shirka Madasha ee Muqdisho ka socda!!

5 Aug 2016 (Puntlandes) Shirkii Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka ee Arbacadii 3 da Aug ka furmay magaalada Muqdisho oo lagu go’aaminayey qodobo muhiim u ah inay doorasho ka dhacdo Soomaaliya sanadkan, ayaa Qodobo muhiim ah Heshiis looga gaaray kuwo kalena aan wali go’aan laga gaarin.

IMG-20160803-WA0019

Sida ay Warbaahinta Puntlandes horay akhristayaaasheeda ugu soo gudbisay waxaa laga Heshiiyey maalmaha Baarlamaanka labada Aqal la soo Xulayo iyo maalamaha ay Doorashada Hogaanka dalku dhacayso, halkan ka akhriso.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in aan wali laga Heshiin 5 qodob oo  muhiim ah oo aan la’aantood aysan Doorasho dhici karin kuwaas oo kala ah:

  1. Somaliland: Meesha, Cida iyo sida lagu soo Xulayo Xildhibaanada labada Aqal
  2. Hiraan/Shabelle: Meesha, Cida iyo sida lagu soo Xulayo Xildhibaanada labada Aqal
  3. Qoondada Dumarka: Sidii lagu dhaqan gelin lahaa Qoondadii Dumarka ee ahayd 30%
  4. Hawlgalinta Hay’adaha muhiimka u ah Doorasha
  5. In Sifo Sharci ah loo helo wixii ka dambeeya 9 Sept. 2016 oo ay uga egtahay madaxweynaha DFS Xasan Sheekh.

Qodobadan aysan Doorashadu la’aantood dhici karin ayaa Miiska wadaxaajoodka saaran iyadoo ay madaxda Hogaamiyayaasha Qaranku ay berri subax ba bilaabayaan wada xaajoodkooda sida ay Warbaahinta Puntlandes ogaatay inkastoo uu dalka kusoo noqonayo madaxweyne Xasan Sheekh oo iminka ku Addis Abeba Berri duhurkii.

Qodobka ugu adag oo ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes ayaa ah madaxweyne ma sii ahaanayaa Xasan Sheekh mise Gudoomiyaha Baarlaamnka Jawaari ayaa la wareegaya Xafiiska inta ay Doorashadu ka dhacayso taasoo ah Qodob Dastuuri ah.

Wararku ku soo kordha Shirka Madasha ee Muqdisho ka socda kala soco Warbaahinta Puntlandes.

Puntlandes.com

About The Author