Daawo Video: Dekedda Bosaso oo ay baxeen in ka badan 40 Baabuur oo sida Deeq Raashin ah oo ku wajahan Galmudug & Hiiraan

6 Aug 2016 (Puntlandes) Dekedda Bosaso ayaa waxaa kusoo xirtay Markab sida Raashin ay dawlada Turkigu ugu deeqday Soomaaliya qaybtii ay DFS usoo dirtay Galmudug iyo Gobolka Hiiraan ayaaka baxay Dekedda, iyadoo in ka badan 40 Baabuur oo sida Deeqdaas Raashinka ah ay usoo shiraacdeen dhanka Galmudug & Hiiraan

229-7d6
Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed wacays Dhado oo Saxaafada la hadlay markii Baabuurtan wada Raashinka laga ambabixinayey Dekedda Bosaso isagoo sheegay inay si sharaf iyo Karaama leh u ambabixiyeen Raashinkan dadka dega degaanada uu ku sucdo Raashinkana ku wargelinayaan inay kula xisaabtamaan mas’uuliyiintooda.

Puntlandes.com

About The Author