Waa imisa Miisaaniyadda ku baxaysa Doorashada yaana bixinaya? (XOG)

6 Aug 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Madaxda Hogaamiyayaasha Qaranka oo shir uga socdo magaalada Muqdisho ay ka mid tahay Qodobada muhiimka u ah ee Doorashada ee ay ka doodayaan Miisaaniyada ku baxaysa Doorashada iyo cida bixinaysa.

IMG-20160803-WA0019

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Madaxdu ay isla garteen in ay noqoto Miisaaniyadda ku baxaysa Doorashada lacag ku dhow $14 Million oo dollar, taasoo ay isla bixinayaan Somalida iyo Beesha Caalamka.

Madaxda Hogaamiyayaasha Qaranka ayaa waxay go’aamin doonaan sida loo kala bixinayo iyo meelaha ay ka kala imaanayso qaybta Soomaalida iyo inta ay Beesha Caalamku bixinayso oo faahfaahsan.

Wararku ku soo kordha Shirka Madasha ee Muqdisho ka socda kala soco Warbaahinta Puntlandes.

Puntlandes.com

About The Author