Erdogan oo booqasho ku tagaya Ruushka si uu Cilaaqaad ula samaysto

7 Aug 2016 (Puntlandes)  Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa Talaadada soo socda booqasho ku tagaya dalka Ruushka, kadib afgambigii fashilmay ee la doonayay in xukunka laga tuuro, kaasoo booqashadiisii u horaysay tan iyo markuu xumaaday Cilaaqaadka labada wadan.

227-10a

Erdogan oo wareysi siiyay Telefishinka Al-Jazeera qeybtiisa Carabiga ayaa sheegay in booqashadiisa Ruushka ay salka ku heyso soo celinta xiriirka labada dal, kadib markii uu xumaaday bishii November ee sanadkii hore, xilligaasoo Turkiga uu soo riday diyaarad dagaal uu lahaa Ruushka.

Erdogan ayaa sheegay in Ruushka uu kala hadlayo arrimaha Suuriya, xiriirka labada dal, isagoo xusay in Turkiga iyo Ruushka ay yihiin labo dal oo dani ka dhaxayso.

Dalalka Ruushka iyo Turkiga ayaa Xiriirkoodu aad ayuu u xumaa laakiin waxaa muuqata inuu soo hagaagayey tan iyo markuu dhacay afgambigii fashilmay.

Puntlandes.com

About The Author