XOG: Faahfaahin la xiriirta Ciidamada Kumaandooska ee DANAB oo ku sugan Gaalkacyo & ujeedadooda

7 Aug 2016 (Puntlandes)  Haneen hore, 6da Aug,  ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug gaaray Ciidamada DANAB ee sida gaarka ah u tababaran ee ay saraakiil Maraykan ah ku Tababarto Xerada Ballidoogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

227-8b3

 

Ciidanka DANAB, (sawirka koro), ayaa ku tagay Gaalkacyo Safar dhanka hawada ah iyagoo kasoo degay Gaalkacyo.

Ciidanka DANAB ee sida gaarka ah u Tababaran ayaa Gaalkacyo u yimid Hawlgal Amni iyagoo ay Hawlgalka ku wada shaqaynayaan Ciidanka PIS ee Puntland.

Ciidamada DANAB oo ah Ciidan u Tababaran, u hawlgala una Hubaysan sida Ciidanka PIS ee Punatland ayaa sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes waxay ka hawlgeli doonaan dhanka maamulka Galmudug iyagoo hawlao Amni ka samayn doona Degaanadaasi.

229-8a6

Ciidanka PIS, (sawirka koro), ee Puntland oo uu Maraykanku taageero ayaa waxay ka shaqeeyaan la dagaalanka Falalka Agagagixiso iyo Amnixumada, waxayna Xurun wayn ay ku leeyihiin duleedka Garoonka Gaalkacyo ee Abdulahi Yusuf.

Sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes Ciidamada DANAB iyo PIS oo isgarabsanaya waxay Howlgalo ballaaran ka wadaan Xaafada Baraxleey ee maamulka Galmudug taasoo aan horay u lahayn Ciidan sugga Amniga Xaafadaas.

Dableyda ka tirsan Kooxda Alshabaab ee wax ku dila dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkayo ee Puntland waxay u baxsan jireen dhanka Xaafada Baraxleey.

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay ilo lagu kalsaan yahay u Xaqiijiyeen in ay Ciidamada DANAB iyo PIS oo isgarabsanaya oo hawlgalo ka wada Xaafada Baraxleey ay gacanta kusoo dhigeen dad badan oo looga shakisan yahay inay ka shaqayn jireen Amnixumo iyo Argagixisanimo.

Dhanka kale Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inay Ciidamada DANAB ee hawlgalka u yimid Koonfurta Gobolka Mudug ay u badan yihiin dhalinyaro kasoo jeeda Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya kana madaxbanaan dano kooxeed ama qabiil.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay ilaa iminka dawlada Puntland oo ku saabsan  Ciidamadan sida gaarka ah u tababaran ee magaalada Gaalkacyo.

Puntlandes.com

About The Author