Mareykanka oo sheegay in uu taageerayo Doorashada Soomaaliya

8 Aug 2016 (Puntlandes) Wasaarada arimaha dibada dowladda mareykanka ayaa markale sheegtay in ay taageereyso Doorashada sanadkan la filayo in ay dalka ka dhacdo.

229-8b3

War ka soo baxay xafiiska xoghaya wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry, ayaa waxa uu lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ka qeyb qaadaneyso Doorashada 2016-ka Soomaaliya ka dhaceysa.

Xog-haye Kerry ayaa intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay ka taageereyso Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto sidii loo dhisi lahaa dimuqraadiyad fadhida.

Warka Xoghayaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanku uu ku rajo weyn yahay in Doorashada sanadkan ay noqoto mid dhabbaha u xaarta dimuqraddiyadda, ammaanka iyo in barwaaqo la gaaro.

Puntlandes.com

About The Author