Ra’iisul wasaaraha iyo masuuliyiin kale oo Muqdisho kusoo dhaweeyey madaxweynaha Galmudug

8 Aug 2016 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo masuuliyiin kale ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane C/kariin Xuseen Guuleed, oo xaalad caafimaad ugu maqnaa dhawaanahaanba dalka India.

229-8b4

Madaxweynaha Galmudug ayaa uga mahad celiyey masuuliyiinta uu horkacayey ra’iisul wasaaraha ee soo dhaweeyey, isagoo sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsantahay.

Madaxweynaha Galmudug mudane C/kariin Xuseen Guuleen ayaa dalka India lagula sameeyey qaliin fudud oo dhinaca wadnaha ah, iyadoo iminka uu dib ugu soo laabtay Muqdisho isaga oo xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsantahay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa in uu qeyb ka noqdo madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ee u fadhiya Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho.

Sidoo kale madaxweyne Guuleed ayaa shirka kadib qorshuhu yahay in uu u amba baxo magaalada Cadaado oo xarun KG u ah dowlad goboleedka Galmudug, si uu halkaasi uga sii wado howlaha kala duwan ee maamulkiisa uu hayo, oo ay qeyb ka tahay u diyaar garowga doorashooyinka la filayo sanadkaan 2016-ka in dalka lagu qabto.

Puntlandes.com

About The Author