BREAKING NEWS: RW kuxigeen Carte oo shirar ka dhan ah shirkii madasha ka wada Muqdisho berina soo saaraya war cad

9 Aug 2016 (Puntlandes) Raysul Wasaare kuxigeenka DFS Maxamed Cumar Carte oo maanta isaga iyo Wasiir Maareeye ay ka baxeen Shirkii Madasha ayaa waxay ogaatay Warbaahinta Puntlandes inuu shirar aan kala go lahayn oo ka dhan ah shirkii madasha ee maanta soo gabagaboobay ka wada magaalada Muqdisho.

Waxay kaloo Warbaahinta Puntlandes ogaatay inay u Qorshaysan tahay Carte inay beri si wadajir ah mas’uuliyiinta kasoo jeeda Gobolada waqooyi ee Somaliland ee ku jira DFS ay usoo saaraan war cad oo ay ku Qaadacayaan Qodobadii kasoo baxay Madasha.

Hoos ka akhri war ay qortay gabadha u qaabilsan saxaafada Raysul Wasaare kuxigeenka DFS Maxamed Cumar Carte

229-9b6

Puntlandes.com

About The Author