Ogaysiis: Xaflada dabaaldega 18 Guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay Puntland oo ka dhacay magaalada Londan dalka UK

9 Aug 2016 (Puntlandes) Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Jaaliyadda Puntland ee ku nool magaalada London ee dalka UK iyo agagaarkeeda iyo dadka Soomaaliyeed ee danaynaya ka qaybgalka Xafladaan ballaaran oo lagu xusayo 18 Guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay Puntland.

229-9B3

Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee dalka UK Mohamud abdullahi Jama Kukay iyo dhamaan qabanqaabiyayaasha Munaasabadaan waxay ka codsanayaan Jaaliyadda Puntland dalka UK iyo Soomaalida kaleba inay kasoo qaybgalaan Munaasabadaan aadka looga soo shaqeeyey.

Waqtiguna waa maalinta Jimcaha bishan Agoosto 12keeda saacaduna waa 18.00-23

Cinwaanka Goobta:

YMCA Indian student hostel

41 Fitzroy square

london w1t 6aq

 

Waxaa la idinka codsanayaa inaad waqtiga ilaalisaan.

Puntlandes.com

About The Author