Daawo Video: Madaxweyne Xigeenka Galmudug oo Gaaray Cadaado sheegayna in Shirkii Madasha la isku Fahmay

11 Aug 2016 (Puntlandes) Madaxweyne Xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo Gaaray maanta Degmada Cadaado sheegayna in  la isku Fahmay Shirkii Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka ee Muqdisho kusoo gabagaboobay dhawaan.
229-10a5
Carabey ayaa sheegay in ay Cadaaado iman doonaan Ciidamo AMISOM oo Amaanka Doorashada sugaya iyadoo ay Cadaado ka mid tahay mid hka mid ah 7 da goobood ee ay Doorashadu ka dhacayso waxaana Caadaado lagu soo Dooranayaa 8 Xubnood oo Aqalka Sare ah 36 Aqalka Hoose ah.

Hadalka Madaxweyne Xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa ku soo aadaya iyadoo uu shalay Xaafada Baraxleey ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay Madaxweynaha maamaulkaas Cabdikairiim Xuseen Guuleed inaan maamulkoodu aqbalayn in 2 Xubnood Puntland loogu daro waa sida uu u dhigaye, aana lagala tashan iyaga aysana soo dhisayn Xubnaha Aqalka sare.

Puntlandes.co,m

About The Author