Daawo Video: Somaliland oo cafis u fidiyey Shaqsiyaadka Xilalka ka haya DFS ee kasoo jeeda Somaliland, kana hadashay Beesha SSC

13 Aug 2016 (Puntlandes)  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta cafis u fidiyay Shaqsiyaadka xilalka ka haya DFS ee ku sugan Muqdisho ee ka soo jeeda Somaliland, kadib markii ay dhowaan cabasho ka keeneen go’aanadii ka soo baxay shirkii madasha Wadatashiga Qaran.
229-10a4

Mas’uuliyiinta Cafiska ay Somaliland u fidisay waxaa ka mid ah Raysul wasaare kuxigeenka DFS Maxamed Cur carte
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cusmaan Cabdulaahi Saxardiid ayaa sheegay in Cafiska Madaxweynaha u fidiyay ujeedkiisa yahay mid loogu daneynayo siyaasiyiinta ku sugan Muqdisho, maadaama aanay waxba u oolin Xamar sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay daadgureyn doonto siyaasiyiinta hadii aysan imaan karin deegaanadooda sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cusmaan Cabdulaahi Saxardiid oo soo dhaweeyey wadahadalka u bilowday Cali Khaliif Galayr iyo Somaliland isagoo sheegay in marka uu dhamaado wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo ay Somaliland shir u qaban doonto Beesha Dhulbahante.

Wasiirka ayaa yiri ”marka hadalada Khaatumo la isla afgarto in Dhubahante wayne shir balaaran loo qaban doono ayna hormuud ka noqon doonaan Garaadada ama Isimada Dhulbahante …haday Maxamuud garaad tahay oo shirkii Awrboogays iyo kii Ari-cadeeye go’aanday inay dantu ku jirto Somalinad iyo haday tahay beelaha kale ee Dhulbahante…”

Puntlandes.com

About The Author