Shirar is dabajoog ah oo looga arinsanayo Sool, Sanaag & Cayn oo 3dii cisho oo u damabay ka socda Madatooyada Puntland

13 Aug 2016 (Puntlandes) Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya inay shirar is bdabajoog ah ka socdaan 3dii cisho ee u dambaysay Aqal looga arimiyo Puntlnd ee Villa Puntland, kuwaas oo looga arinnayo ama diiradda lagu saarayo nabadgalyo xumada ay Somaliland ka wado Gobolada Sool, Sanaag iyo Cay nee Puntland.

229-10b2

Shirkaan ooo ay ka qaybqaadanayaan Madaxweyanaha Puntland, Madaxweyne ku xigeenka iyo dhamaan madaxda  dawlada qaybheeda kala duwan ee ka soo jeeda Degaanadaas iyo Siyaasiyiin Ruugcaada ah oo kasoo jeeda Degaanada SSC ee Puntland:

  • Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas.
  • Madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiin Xaaji Cumar camey
  • Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.Axmed Cali Xaashi
  • Wasiirada dawlada Puntland ee kasoo jeeda Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.
  • Xildhibaana Baarlamaanka Puntland ee kasoo jeeda Sool, Sanaag iyo Cayn.
  • Siyaasiyiinta ay ka mid yihiin Axmed Cabdi Xaabsade, wasiirkii hore ee Cadaaladda Puntland Ismaaciil Axmed warsame iyo Siyaasiyiin kale.

Shirar badan kadib madaxdu waxay magacaabeen Guddi Farsamo oo si Qoto dheer uga soo talabixiya Fadqalalooyinka iyo Amni xumada ay Somaliland ka wado SSC iyo sidii Nabad iyo Horumar loo gaarsiin lahaa.

Guddigaas ayaa muddo 24 saacadood gudahood waxay kusoo diyaariyeed Daraasad Cilmiyeed ka Wadadii ama habkii loogu gudbi lahaa Nabadgalyo kusoo dabaalida iyo Horumarinta Degaanada SSC ee Puntland.

Maanta ama ugu dambayn beri ayaa waxaa la filayaa inuu kasoo baxo dawlada Puntland Warmurtiyeed la xiriira Degaanada SSC ee Puntland.

Dhanka kale kulanka waxaa lagu gorfeeyay Shirarkaas Cali Khaliif Galayr oo ku biiray maamulka Somaliland waxaana la isku waafaqay in uu yahay nin aan cidna matelin oo danihiisa gaar ah u ordaya.

Waxaa lagu wadaa inay dawlada Puntland soo saari doonto Istartiijiyadii ugu horaysay ee wadada loogu xaarayo sidii uu uga hanaqaadi lahaa Degaanada SSC ee Puntland Nabadgalyo iyo Horumarin buuxda oo uu Deegaankaasi gaaro.

Puntlandes.com

About The Author